Maxkamadda Sare Ee JSL Oo
Laashay Go’aan Ay Hay’adda Caymiska Qaranku Gaar Ugu Xidhay Shirkada
Caymiska Ee Amaano Adeega caymiska Gaadiidka Dekedda Berbera

Hargeysa (TNN) : -Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa
maanta go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen
Shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo
Shirkadaha Gaa diidleyda kuwaasi oo ka kala cabanayay adeegyo loo
xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada
caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee
dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha
gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha
caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado.
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay
cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrik a (Horn of Africa
Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda
Caymiska Qaranka waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska
Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymis ka
gaadiidka, ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda
muddo sannad ah, waxay sidoo Maxkam addu ayiday go’aamo ay Hay’adda
Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska
maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya,
geesta kale waxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriy adda Somaliland si
wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL
iyo Hay’adda Caymis ka Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka
laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda
Berbera ee kala ah:-
Ganaaxa basaska gurran.
Badqabka gaadiidka (BBG).
Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS)
Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda.
GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:-
Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka,
kaas oo go’aaminayay in shirkadda Ca ymiska Amaano (Amanah Insurance)
oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya
dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka
bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021.
Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee
caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan
caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba.
Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay
Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajin ayay in caymiska gaadiidka la
qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha
dhimashada badan keena.
Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda
Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuw a xuduudaha kale ka soo dejiya
ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka
dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u
hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska
Qaranka.
Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax
bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymi ska iyaga oo aan dhaafayn
xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda
Caymiska Qaranku u goysay.
Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku
soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xad ka ugu sareeya ee khidmahaddaha
adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan.
Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta
Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan
kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya
dekedda Berbera oo kala ah:-
b. Ganaaxa basaska gurran
t. Badqabka gaadiidka (BBG)
J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS)
X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda.
Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo
qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad
10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka
Xeer Lr 92/2021.
Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay
18/09/2021.
Guddida Garsoorka
Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye
Maxamed Cumar Geelle Xubin
Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin
Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil
Cabdilaahi
Wa bilaahi Tawfiiq
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare.
|