Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa manta soo saartay qaraar isugu jira Xayiraad ka qaadis iyo Dacwad Oodis muddo badan

 


Hargeysa (TNN):- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa manta soo saartay qaraar isugu jira Xayiraad ka qaadis iyo Dacwad Oodis muddo badan ku socotay wargeyska Hubaal, kaasoo ay Booliisku hore u xidheen kadib markii uu Dacwad Ciqaab ah ku oo gay Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan.

Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac oo Dacwadan hayey ayaa manta soo saaray Qa raarka uu ku Oodayo Dacwadii ku socotay wargeyska Hubaal waxaanu ku Amray Ha y’addaha Amniga iyo Kaaliyaha Maxkamaddaba inay ka saaraan Diiwaanka Dacwada ha.


Sidoo kale, Garsoore Xuseen waxa uu qaraarka kale ku wargaliyey Hay’adaha Amnig a in Xayiraadii saarnayd Wargeyska Hubaal laga gaaqay, isla markaana ay u madax banaan yihiin hawlahooda.


Hore ayay Maxkamadda Gobolku Qaraar kan la mid ah uga soo saartay Kiiskan, hase yeeshee Xeer ilaalinta ayaa Rafcaan u qaadatay Maxkamadda Rafcaanka.Dhanka ka le Gudoomiyaha Wargaysa Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan xayiraada laga qaaday waragayska Hubaal ee madaxa ban aan