Maxkamadda Gobalka Hargeysa oo Guddiga Doorashada ku celisay
go’aankii ay u gudbiyeen iyo qodobada ay cuskatay
Hase yeeshe guddoomiyaha maxkamadda gobalka Md. Cabdirashiid
Maxamuud Duraan, ayaa guddiga doorashada dib...........
Hargeysa(TNN) -Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa guddiga
doorashooyinka qaranka dib ugu celisay natiijadii degmada Hargeysa
ee doorashadii deegaanka oo ay Isniintii doraa d si rasmi ah ugu
gudbiyeen, waxaana la filayaa inay maxkamadu go’aankeeda gaadhsiiso
guddiga doorashooyinka.
Guddoomiyaha guddiga doorashada qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari,
ayaa warsaxaafade ed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in guddigu
go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii do orashadda ee degmadda
Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, “markii uu Komisha nku dib
u eegis ku sameeyay.” Ayuu yidhi “natiijadii degmadda, isla markaana
hufid ku sam eeyay xogta goobaha cod bixineed ee faro-weyne oo ah
degmo doorasho oo ka tirsan caa simadda Hargeysa.”
Hase yeeshe guddoomiyaha maxkamadda gobalka Md. Cabdirashiid
Maxamuud Duraan, ay aa shalay guddiga doorashada dib ugu celiyay
natiijadaas, waxaanu ka codsaday inay shar ciga soo waafajiyaan.
Qoraalkaas uu guddoomiye Duraan dib ugu celiyay natiijadii caasima
dda Hargeysa oo aan warbaahinta loogu tallo gelin, ayaa waxa ay ilo
xogogaali Geeska Afr ika u sheegeen in guddoomiyaha maxkamadu
guddiga doorashada ku wargeliyay inay shar ciga soo waafajiyaan
natiijada ay soo gudbiyeen taas oo ah in isbedelka ay ku sameeyeen
magacyada xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Hargeysa ay marka
hore iyagu si ku meelgaadh ah ugu dhawaaqaan ka hor inta aanay
maxkamadda u soo gudbin.
Guddiga doorashada ayaa dib u eegista ay ku sameeyeen xogta goobaha
cod bixineed ee degmada Faraweyne, waxa ay isbedel ku samaysay
liiskii ay hore ugu dhawaaqeen inay noqonayaan golaha deegaanka
caasimadda Hargeysa, waxaanay dib u hubinta codka deg mada Faraweyne
ay meesha ka saartay laba xildhibaan oo ay guddiga doorashadu hore u
sheegtay inay ka tirsanyihiin golaha deegaanka Hargeysa, kuwaas oo
kala ah Xildhibaan Khadar Bohosha oo uu bedelayo murashax ay ka wada
tirsanaayeen ururka Rays oo lagu magacaabo Khaliil Caga-yare iyo
Xildhibaan Fu’aad Saxardiid Caabi oo uu isna bedeli doono murashax
ay ka wada tirsanaayeen ururka Dalsan oo lagu magacaabo Ilyaas Aw
Xuseen Jaamac
Source:
Geeska Afrika
|