Maxkamadda Ciidamada Somaliland darajadeeda kowaad oo xukun adag ku riday 34 Askari oo shalay ka soo cadhooday ciidamadda Birmadka ee Laascaanood

 


Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa maanya ku riday xukun adag oo kala ah 15 sano, 14 sano, 8sano, 33 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Birmadka ee Booliiska Laascaanood, kuwaasoo shalay galinkii danbe soo gaadhay magaa ladda Hargeysa iyagoo ka soo gadooday sida la sheegay gunno ay qaadan jireen oo la siin aayay.

Waxaanay kala yihiin Abaabulihii Ciidankaasi soo kaxeeyay oo lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah, 29 askarina min 14 sano, 3 askarina 8 sano.

Sidoo kale waxa ay Maxkamddu ku xukuntay 2sano oo xadhig ah iyo Sadex Milyan oo ganaax ah dirawalkii waday gaadhiga ay soo af-duubteen oo ahaa gaadhi Jaadle ah.

Askartan la xukumay ayaa isla galabtaba xabsiga loo dhaadhiciyay kadib markii dhagaysiga  dacwa doodu ilaa saaka ka socotay Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland oo ay Maxkamadu timi.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalilanad Cilmi Rooble Furre oo Saxaafadda la hadlay maanta duhurkii intaan la xukumin Askartan ayaa sheegay inaanay jirin lacag ay qaadan jireen oo laga jaray ee ay ku kaceen dhishibiliin xumo khatar ku ah Ciidamadda

Source: Waaheen