Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Maanta Hor Istaagtey Dawcad Lagu Qaadaayey Badhasaabka Gobolka Saaxil Iyo Mareeyaha Dekada Ber bera +Nuxurkii Shir Jaraaid Oo Ay Qabteen Gudida Jaamacada Berbera .......
 



Muxuu dacwad Cismaan Fanax noo qaadaa,waxa uu ka qeyb qaatay bililiqadii qalabkii aanu Jaama cada u keenay, waxa imika lanooga soo saaray waraaqaha printerkaygii jaamacada yaalay.......


Daawo Sawirada Qalabaka Jaamacada oo ay Maxkamada Gobolka Saaxil biliqaysatey.............

 


Berbera (TNN)-Maxkamada gobolka Saaxil ayaa Maanta ku dhiiran weyday in ay qaado dacwad ka dhan ah Badhsaabka gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo Maareeyaha dekeda berb era Axmed Yuusuf Dirir, Dacwadan ayaa waxa oogayay gudidii jaamacada culuumta bada lagu Bar to ee magaalada berbera oo ay hogaaminayso gudoomiyihii gudidaa jaamacad Marwo Faadumo Sic iid Ibraahin waxaanay dulucda Dacwadani aheyd oo ay kaga cabanayeen gudidaasi in aanu gudoo miyaha gobolka saaxil wax shaqo ah aanu dhiiban isaga iyo xukumadu Toona wax Xilwareejinana aanay ku sameyn karin gudidooda waxaanay gudidan hore ee jaamacada Culuumta bada berbera maxkamada Gobolka saaxil ay gal dacwadeedkooda ugudbiyeen 04/09/2011 balse iyada oo ay mu do bil iyo dheeraadii ka soo wareegtay xiligii Dacwada ay Gudidani furteen oo uu aqbalayna gudoo miyaha maxkamada berbera wakhtigaa ayuu hadana Maanta aqbalay codsaday kayimi Garyaqaan kii udoodayay labada masuul ee ay dacwadani ku Oogayeen gudidani oo ahaa garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahin IIdle waxaanu Garyaqaankaasi mAanta soo daliishaday qodobo odhanaya ma qaadi kartid dacwadan maadaama Oo ay tahay dacwad maamul waxase dadafeeyay garyaqaankii qodobada uu soo daliishaday Garyaqaankaasi qaranka Garyaqaankii udoodayay Gudi da Jaamacada bada berbera Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur waxase iska diiday oo saxaafadana usheegay in uu aqbalay codsigaa iyo Qodobadaa uu soo daliishaday garyaqaanka qaranku Gudo omiyaha maxkamada gobolka berbera Cismaan Ibraahin Daahir(Fanax)Waxaanu gudoomiyaha maxkamada gobolka saaxil uu isna Waafajiyay in aanu qaadi karin dacwadan qodobada kala ah 7aad XNG iyo qodobka 8aad XHM Oo aan midkoodna awood sheegay inay maxkamada gobolka awood uleedahay qaadista ama Dhageysiga dacwad maamul waxa kaloo uu sheegay gudoomiyaha maxkamada gobolka saaxil in Makuu arkay qodobada 10XNG iyo qodobadka 10aadXHM oo labaduba sheegay in dacwadaha Arimaha maamulka ay awoodeed leedahay lagana furna karo maxkamada sare Jamhuuriyada Somaliland oo kaliya waxa kaloo uu sheegay bgudoomiyaha maxkamada gobo lka Saaxil in aanu Arjiga dacwootada iyo Qareenkeedu aanu waafaqsaneyn qodobada 68,117,119XHM ee uu Waafaqsan yahay qodobka10xng iyo qodobka 10XHM waxaanay soo saart ay qaraarkan soo Socda,

Maxkamadu waxay diiday arjiga dacwad furashada ee dacwootada iyo qareenkeeda waxaanay F araysaa inay maxkamada awooda uleh arimaha maamulka ay ka furtaan, waxa kaloo uu intaa Ku daray gudoomiyaha maxkamada gobolka saaxil in ay maxkamdu ogolaatay arjiga Jawaab Celinta garyaqaanka guud ee qaranka oo ah qareenka dacweysanayaasha oo kala ah Gudoomiyaha gob olka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir waxa kaloo uu intaa raaciyay gudoomiyaha maxkamad gobolka Saaxil in Ay maxkamdu ooday dacwada ay soo gudbiyeen dacwootada Faadumo Siciid iyo qareenkeeda Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur,


Waxase iyagu ka biyo diiday go,aankan ay maxkamada gobolka saaxil ka qaadatay dacwadooda Gudidii hore ee Jaamacada culuumta bada Lagu barto ee berbera oo ay hormood ka aheyd Marwo Faadum Siciid waxaanay ka dib markii ay maxkamud soo saartay qaraarkaa ay shirjaraa,id oo ay isla goobtaa jaamacada ku qabtay ay kaga hadashay arimo dhawra oo la xidhiidha dacwadan iyo Masuuliyiinta ay ku oogeysay iyo waliba gudoomiyaha maxkamada berbera oo ay ku tilmaantay garsoore aan faraha la gali karin dacwadaha la xidhiidha badhasaabka gobolka saaxil iyo maareeya ha dekeda berbera waxaana hadaladeedii kamidahaa"Waxan manta idiin sheegayaa in aanu marka hore iska ogeyn in aanu gudoomiyahan maxkamada gobolka saaxil aanu qaadi karin dacwad lagu oogayo masuuliyiinta gobolka iyo dekeda waxaanu laakiin islaheyn bal dadka uun tusa in aanay cadaaladi ka jirin berbera oo ay kuligood uwada shaqeeyaan badhasaabka iyo maareeyaha dekeda muxuu dacwad Cismaan Fanax noo qaadaa waxa uu ka qeyb qaatay Bililiqadii qalabkii aanu jaama cada u keenay waxa imika lanooga soo saaray waraaqaha printerkaygii jaamacada yaalay oo aad arkaysaan in ay dhinaca kaga qorantay Berbera University ma idinla tahay in ninkaa manta ka qeyb qaatay bililiqada qalabka jaamacada ayaa dacwad noo qaadi kara waa maya alaabtii aanu ka dacwoonaynay ayuu isticmaalayaaye waxa kaloo idiin sheegayaa in uu na maca salaameeyay garyaqaankii udoodayay badhasaabka berbera iyo maareeyaha dekeda oo uu iska tagay iyada oo aanu soo Bixinba go,aanka maxkamada berbera markii aanu weydiinay maxaad utagaysaana miyaanad sugeyn go,aanka maxkamad waxa uu Yidhi mayee waa wax layska yaqaano oo cadaana waxa ka soo baxayaa taasina waxay anaga noo muujinaysaa in aanay cadaaladi ka jirin maxkamadaha berbera oo aan waliba qaadi karin dacwadaha maareeyaha dekeda berbera iyo badhasaabka gobolka saaxil waxa se aanu imika dacwadayada geynaynaa maxkamada sare iyada ayaanu bal eegaynaa in ay sharciga ka sareysiiso dadka madaxda ah, Waxa idiin sheegayaa in uu maareeyaha dekedu dukaamo ka furtay jaamacadii oo uu walibana gurtay qalabkii yaalay oodhan sidee bay udhici kartaa in uu maareeyaha dekeda berbera uu uga furto xaruntii jaamacad laba dukaan oo ganacsiya oo ay ku qorantay bridge Miyaanay ceebe aheyn ninka maxkamada garsoorka ah ufadhiya ee intuu naga aqbalay dacwada hadana markii laaluush la siiyay manta yidhi ma qaadi karo miyuu markii hore aanu dacwada ukeenay uu yidhaahdo ma qadi karo oo sharciga uu manta akhriyayaa markaa umuuqdo waa wax laga xishoodaa waxaasi ayay tidhi Marwo faadumo Siciid mar ay saxaafadu weydiisay cida jaamacadan laysku haysto leh waxa ay kaga jawaabtay"waxa jaamacadan maalgashaday oo iska leh bulshada reer saaxil ee qurbaha iyo gudahaba Joogta iyagaana dhistay oo qalabeystay anaguna waxa aanu aheyn dadkii ka danmqaday magaaladoodii oo bilaa jaamacada waxaananu la kaashanay dadkaa dawladina shaqo kuma laha ayay hadalkeedii ku soo afmeertay Marwo Fadumo Siciid.
 

 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland