Maxkamada Gobolka Oo Xukun Xadhig Ah Ku Riday Tifaftiraha Wargayska Yool Maxamed Cabdi Curad

 

Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa maanta ku xukuntay 5-bilood oo xadhig ah Tifaftiraha Wargayska Yool ee ka soo baxa Magaalada Hargaysa Maxamed Cabdi Curad,kadib markii uu muddo dhan 20 maalmood uu ku xidhnaa xarunta ciidanka danbi baadhista ee [CID] ee Magaalada Hargaysa.

Xadhiga Suxufigan Maxamed Cabdi Guuleed [Curad] ayaa ka danbeeyey kadib markii ay xeer ilaalinta guud ee qaranku ku eedeysay inuu qoray warar been abuur ah, isla markaana uu soo saaray wargeys aan ka diwaangashanayn xeer ilaalinta qaran, basle ruqsad kaliya ka haysta Wasaarada Warfaafinta.

Hasayeeshee. Qareenka Suxufigan oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa ku gacan saydhay eedeymahaas loo soo jeediyey. Waxaanu ku dooday qareenku in ogolaanshaha ama ruqsada xarun warbaahineed ay bixiso wasaarada warfaafinta oo kaliya,sidaa darteedna uu wargeyska ‘Yool’ uu Sharci yahay, isaga oo ku sababeeyey in xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ka diiday diwaangelintiisa wargeyskan.

Sidoo kale waxa uu qareenkani suxufigan ka difaacay eeda warka oo uu ku tilmaamay mid uu ka soo xigtay wakaalad warbaahineed, isla markaana uu cadeeyey xigashadeeda.
Garsoore Cabdiraxmaan Madar Caraale oo kiiskan qaadayey ayaa sheegay inay suxufigan ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inuu baahiyey warar aan sal iyo raad toona lahayn oo aanu dhab ahaan shahooda xaqiijin Karin, sidaa awgeedna ay maxkamadu ku xukuntay muddo shan bilood ah.

Xeer ilaalinta Gobolka Hargaysa ayaa la sheegay in ay hor-joogsatay in ehelada Suxufigani ay bixiyaan qiimaha xadhigiisa lagu xukumay,taas oo ay maxkamadu ogolaatay waxanay sheegeen in ay ambiil ka qaadanayaan xukunka lagu riday Maxamed Cabdi Curad.

 

 


Hadhwanaagnews