Maxkamada Gobolka Hargeisa oo Xukun Rumaan ah ku Riday Seddexdii
Masuul ee lagu Eedeeyay inay Leexsadeen Raashinka Masaakiinta.
Maxakamada Gobolka Hargeisa ayaa u sheegtay eedaysanayaashani
dacwadooda la qaadi do ono Maalinta Sabtida......
Hargeisa (TNN)-Maxkamada Gobolka Hargeys ayaa saaka Xukun rumaan ah
ku riday Seddexdii Masuul ee Raashinka masaakiinta dhacay, kuwaasi
oo shalay Madaxwayne Siilaanyo Xilka ka qaaday iyaga oo Xabsiga ku
jira,
Maxakamada Gobolka Hargeisa ayaa u sheegtay eedaysanayaashani
dacwadooda la qaadi do ono maalinta Sabtida ee todobaadka soo socday,
kuwaasi oo Maxkamada la horkeeni dooni Ca ddaymaha danbiyada ay ka
galeen Masaakiintii raashinka laga leexsaday
Masuuliyiintan saaka Dacwadooda dib loo dhigay ayaa kala ahaa
Axmed Cumar X Cabdilaahi
(Xamarje) ,
Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex, Axmed
Cilmi Barre, Agaasimihii Guud ee Wasa
arada dib u dejinta iyo Cismaan Jaamac
Siciid, la Taliyihii Madaxweyne ku
xigeenka,
Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee
xukuumada Siilaanyo ku qaado Masuuliyiin xil haya oo lagu helay
falal Musu qmaasuq oo ay gacmaha kula jireen, ku waasi oo dadwaynaha
ku dhaqan Somaliland si wayn u soo dhaweeyeen in la qabto cid kasta
oo isku dayday falalka foosha xun ee noocan oo kale ah
C/raxmaan Muuse Ibraahin
Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland
|