Maxkamada Gobolka Hargeisa oo xukun ku riday Diyaaradii hubka u siday Puntland

 

 

 


Agabkii saarnaa Diyaaradana waxay xukuntay dhamaantood in ...........

Hargaysa Dec 30,2010 (TNN):-Maxkamdda Gobolka Hargeysa ayaa maant xukuno kala duwan ku rid ay Diyaaradii saanada milateri u siday maamul goboleedka Puntland iyo lixdii nin ee ruushka ahaa ee la socday.



Dacwada ay maanta ay soo saartay maxkamada Gobolka Hargaysa oo in muddo ah socotay ayaa w axay maxkamadu ku xukuntay in lala wareego dhamaanba wixii saanad milateri ahaa ee saarnaa  diy aarada, halka lixda nin ee diyaarada la socdayna lagu xukumay min hal snno oo xadhig ah ganaax  la cageed oo dhan 23,000,000 (sadex iyo laabatn Milyan,) Waxaa la filayaa in isla maantaba lixda nin ee Ruushka ah ee lagu xukumay min sanadka ayaa lagu wadaa in loo dhaadhicio Xabsiga  Mandheer a, iyadoo sidoo kala Saanadana milateri ee saran diyaaradana laga soo dajin doono laguna wareegi doonto Xukuumadda somalialnd.



Xukunkan ayaa soo gabagabeeyay kadib markii ay Xeer ilaalinta iyo Guddi loo saaray Kiiskaasi ay  d hawaan Maxkamadda u gudbiyeen xadgudubyada ay ku kaceen, isla markaana Maxkamaddu laba  fa dhi ooh ore u qabatay Xeer ilaalinta iyo Qareenadii Difaaacayay.



Waa markii ugu horaysay ee ay maxkamad ku taala Somaliland gaar ahaana maxkamada Gobolka Hargaysa fuliso dacwad noocan oo kale ah oo aanay hore dalka uga dhicin in dad ajnabi ah oo danbi ka galay Somaliland ay maxkamadi xukun ku rido.

 


 

 


Khadar Abdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland