Maxay iska metelaan Radio Hargeysa iyo Tv-ga Somaliland Space Channel:-

 

Qofka bani aadamiga ahi inta uu noolyahay waxa uu maraa marxalado kala duwan. Wuu dhashaa, koraa, qaangaadhaa, ilaa uu ka dhimanayo. Waxaa barbar socota Maskaxdiisa oo koraysa, Jidhkiisa oo koraya, iyo Guud ahaanba hab nololeedkiisa oo kor usii socda.


Sidaas oo kale ayaa bani aadmigu waxa ay gacanta ku qabtaana uu u koraa, u bataa, isla markaana uu u tarmaa. Si taa loo helaa ma fududa , waxaanay ku xidhintahay kolba dadaalkiisu inta uu gaadhsiisanyahay. Waxaa laga yaabaa inaad aragto laba qof, oo isku da, ah, isku caqli ah, isku deegaan ah hadana qof walba dadaalkiisu uu dhigay intii uu dadaalay. Sidaasayba soomaalidu u tidhaahdaa xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan. Hadii qofku dadaalo, waxaa hubaal ah wixii uu ku dadaalay inuu guul ka gaadhayo.laakiin hadii aanu dadaal la iman guuli ma jirto.


Labadan Xarumo-warbaahineed, Tilifishanka Madaxa Banaan ee Somaliland Space Channel iyo Idaacada Ku hadasha Afka Dawlada ee Radio Hargeisa waa laba xarumood oo ugu da,wayn guud ahaanba Warbaahinta Dalka jamhuuriyada Somaliland. Hadiise hoos loo eego uma wayna sida ay mudada dheer ujireen.


Baadhis badan oo aan mudo dheer sameeyay waxa ii soo baxday in ay sabab utahay dadaalka la galiyay oo yar. Waxaanay taasi timid, markii dadka masuulka ka ahi ay ka gaabiyeen, dadaal badan oo ay galiyaan. Markaa in dadaalkaagu yaraado iyo inaad horumar balaadhan gaadhaa laba meel wada fadhiisan kara maaha. Waxaanay ka dhigantahay maahmaahda tidhaa “ fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa” aan saafo hadalkee waxaan uga socdaa taa ama uga sal leeyahay, dadka u arimiya Labadan Xarun-warbaahineed ayaan xil badan iska saarin horumar ay gaadhsiiyaan goobohoodan. Imika qalinka uma candhuufaysan inaan si qoto dheer uga hadlo sababaha ku kalifay inay sidaasi yeelaan, hase ahaatee aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo waxyaabaha ay iskaga midka yihiin.


Inta se aanan bilaabin aan ka horaysiiyo woxogaa hordhac ah oo ka waramaya mid walba wakhtigii la aasaasay goorta ay ahayd. Aynu ku horayno Idaacada Radio Hargeisa.


Radio Hargeisa kolay intiina garanaysaa waa ogtahaye waxaa dhidibada loo taagay sanadku markuu ahaa 1942-kii. Dabcan waa idaacadii u horaysay ee ku hadasha afka soomaliga. Sidaas ayay ku noqotay hooyada Idaacadaha ku hadla Luqada Somaliga oo imika aad utiro badan, Nasiib darro se waxaad moodaa inay kala da,waynyihiin mudada ay jirtay iyo Sida ay tahay.


Tilifishanka Madaxa Banaan ee Somaliland Space Channel waxaa markii ugu horaysay uu hawada soo galay Sanadkii 1997-kii. Waxaa sanad kaliya ka horeeyay Tilifishanka Al jasiira. Aan idiin dhiibo qodhaa iyo xaradaa Miyaad moodaa inay sanad kala wayn yihiin. Tilifishanka Al jasiira xarun baahineed ayuu ku leeyahay badiba dacalada aduunka. Waxa uu leeyahay hadii aanan khaldanayn ilaa sideed (8) Channel oo kala duwan. Sida aynu taariikhda ku hayno waxa markii u horaysay sameeyay TV-gaasi laba nin oo mid haa Sawir qaade ka kalena wariye. Waxay ku shaqayn jireen qol aad uyar, maanta se isma lihi waxa jira qof aan ogayn baaxada uu leeyahay iyo inta uu dhismo ku fadhiyo. Halka TV Space Channel aanay baahintiisu wali dhaafin halkii uu ka bilaabay. Maxaa keenay in ay labadaasi TV (Space Channel iyo Al Jaziira) kala horeeyaan faraqa intaa le’eg. In kale ma ahee waxa mid walba ka dul muuqda dadaalkii la galiyay.


Waxa taa la mid ah Radio Hargeisa oo tan iyo intii dalka lagu soo laabtay wax ka dhaca mooyee aanay waxba ku kordhin.Anigu eeda saari maayo shaqaalaha waxaa se ku eedaysan Masuuliyiinta Maamulka ah. Xaqiiqatan dhawr jeer ayay isku dayeen inay baahinta idaacada dhaafiyaan Magaalada Hargeisa hase ahaatee taasi ma noqon mid lagu guulaysto.


Mid ka mid ah maareyeyaashii Tilifishanka Space Channel waa Muuse Inji ayaa mar hore uqaaday talaabo horumar ah. Magaalada Burco ayuu geeyay Laliye (Transmitter) mid kalena waxaa uu geeyay magaalada boorame. Waxay taasi keentay in Tilifishanka laga daawado Gobolada Togdheer, Awdal iyo Hargeisa. Hase ahaatee taasi ma noqon mid mudo dheer sii socota. Waxay soo afjarantay Markii uu gubtay laliyihii Burco. Oo ay kala bateen awoodiisii iyo tii uu ku soo qabsanayay baahinta Hargeisa. Markay taasi dhacday ayaa maamulkii TV-gu Go,aamiyeen in gaar laga dhigo Laliyihii (Transmitter) Borame yaalay si aanay khasaare kale ugalin. Markay taasi dhacday waxaa qaybtii Borame iibsaday niman ganacsade-yaal ah. Sidaasi ayaanay kaga wareegtay.


Waxyaabaha ay iska metalaan waxaa ka mid ah qodabadan hoos ku qoran:-

1-Maamul Xumo labadoodaba biyo dhigtay: labadooduba waxa ay gacanta u galeen dad aan aqoon suxufinimo lahayn.

2- Baahintooda oo Hargeisa ku soo ururtay.

3- Cadaadis Badan oo shaqaalaha Saaran: taasi waxa ay keentay in  wariya ashii xirfada lahaa ay iskaga tagaan markii ay xammili waayeen dhibta lagu hayo. Tusaale ahaan, Radio Hargeysa waxa ka tagay shaqaale sodon sanno in ka badan ka soo shaqaynayay. waxa ka mid ah Safiya Cali Yuusuf iyo  Xas an Max’ed Yuusuf ( dhawr iyo sideetankii waxa ay labadoodu ka mid  ahaay een koox lagu magacaabi jiray Afarta Ilma Yuusuf: Xasan Max’ed Yuusuf, Safiya Cali Yuusuf, Xuseen C/laahi Yuusuf(Deeqsi) iyo Max’ed Cabdi Yuusuf oo isagu ahaa farsamo-yaqaan)

4- Mushahar la,aan: hadii aanay malaha lacagi soo galaynin daw ayay  ahaa n lahayde ka waran hadii lacag xadigeedu badan yahay ay soo gasho.

5- Tayo Xumo barnaamijeed: markii shaqaalihii tayada lahaa ka tageen waxa iskugu soo hadhay koox yar oo dantu ku kaliftay in ogolaadaan in ay mushahar la’aan ku shaqeeyaan hasa ahaatee waligood si niyad ah uma shaqayn. Taasaa keentay in ay idaacada iyo Tilifishankaasi ay wehel la noqdaan tayo xummo Barnaamijeed. Bal u fiirso waxaad arkaysaa heeso tiro badan oo maanta oo dhan isku xiga sidii rikoodhka, aaway barnaamijyadii ay ummadu ka faa’idaysanaysay?



Ugu danbayntii, Aniga oo aad uga xun ugana tiiraayaysan boholaha ay ku dhaceen labadaasi xarumoodba, Waxaan jeclaan lahaa in gurmad cir iyo dhul ah lala soo gaadho gudo iyo dibadba.


 


Qallinkii: saciid Khadar Cabdillaahi

fogaan_arag@yahoo.com