Maxay iska Matalaan Madaxweyne Riyaale Iyo Mad axweynihii Hore ZAMBIA Keneth Kaunda
 

Hargiesa (Longlivesomaliland news ), Faalada caawa iyo shabakada wararka ee waryatv, waxaynu caawa diirada saasri doonaa faalo ku saabsan is bar bardhiga waxa ay iska shabahaan Madaxweynaha somaliland Daahir Riyaale Kaahin Iyo mid ka mida madaxweynayaashii soo maray dalka Zimabwi oo ah kelidii taliyihii Keneth Kaunda.

Haddii aynu is bar bar dhigno labada madaxweyne ee kala ah Daahir Riyaale Kaahin iyo Keneth Kaunda oo ahaan jiray madaxweyne hore u soo maray dalka Zimbawi, taariikh ahaan marka laga hadlaayo Kuanda ayaa waayo aragnimo ahaan ka khibrad badnaa Riyaale.

Laakin marka la eego dhanka talada dalka waxaad moodaa in Daahir Riyaale uu Kuanda in badan kaga dhaw dhaw yahay, Kuanda waxa uu ahaa nin sidiisaba xukun jecel isla markaan geed dheer iyo geed gaaban sida madaxweyne Daahir Riyaale u soo maray in u mar uun talada dalka gacanta ku dhigo.

Balse Daahir Riyaale aad ayuu uga nasiib badan yahay Kuanda sababtoo ah Kuanda xilka uu ka qabtay dalka Zimbawi oo xiligii uu talinaayey la odhan jiray Rhodeisa ayaa marar badan intii aanu ka soo bixin xisbigii uu ka sharaxnaa oo la odhan jiray UNIP waxaa loo taxaabay jeelka.

Hadaba hadii aynu mid mid u soo qaadano qodoba sida aadka ah uu riyaale ka shabaho Kuanda waxaa ka mida:-

Xukun Jacayl, mudo hada lago joogo 7 sano ayey ahayd markii loo doortay in madaxweyne Riyaale talada dalka hayo, waxaanu xil jacayl awgii ugu darsaday mudo 2 sano ah, Kuanda qudhiisu si uu talada dalka u sii hayo wuxuu khilaaf soo dhex geliyey xisbigii kale ee ay isku shubteen markii doorashada ay ku soo baxayeen ee ANC.

kalidii talisnimo, sida hada ka muuqaata siyaasada dalka ka aloosan madaxweyne Daahir Riyaale kaahin ma ogola in uu go’aan ka soo baxo cid kale oo aan isaga ahayn, taasna waxaa caado u lahaan jiray Madaxweyne Keneth Kuanda oo laga hayo xibigayaga mooyee xisbi kale ma talin karo.

lacag jacayl, madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin si uu dhaqaale iyo maal u helo waxa uu sameeyey in wasaarada maaliyada laga soo wareejiyo lacagta ka soo xaroota dhoofka xoola badh ka mida isla markaana ay ku soo xarooto xafiiska madaxtooyada waa sida ay had iyo jeer ku eedaayaan mucaaridku, sidoo kale Kuanda wuxuu 1970 badhtamihiisii dalka ku soo rogay in lacagaha shirkadaha shishieeye 51% la kordhiyo.

Faaladeena caawa iyo maanta intaas ayeynu ku soo koobaynaa, dhamaantiin iyo dhamaantayo kulan danbe oo xiisa leh


 


Ibraahim Abdirahman Qaasim

Hargeisa/Somaliland
qaasim05@hotmail.com