Maxamed Xaashi Oo Sheegay In Deeqaha Dawladuhu Ay Ku Caa wiyaan
S/Land Ay Ku Baxdo Dilaaliinta U Dhaxaysa Ee UNDP Iyo UNICEF Ka Mid
Yihiin, Tilmaamayna Inay Shaqadoodu Dhaafi La’dahay Siminaar & Shir
Yar Oo Nairobi Loo Tago
Hargeysa (TNN) – Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Maxamed
Xaashi Cilmi ayaa dhaliilo u jeediyey hay’adaha Qaramada Midoobay ee
ka hawlgala Somaliland, kuwaas oo uu tilmaamay in deeqaha ay dawla
duhu ay ugu soo dhiibaan Somaliland si wax loogu qabto ay ku kharash
gareeyaan lacagta loo soo dhiibay waxyaalo aan anfac u lahayn dalka,
sida Siminaaro iyo Shirar yaryar oo Nairobi iyo Djibouti loo tago.
Eng Maxamed Xaashi ayaa intaasi ku daray in si weyn loola xisaabtamo
hay’adahaasi u dhexeeya dawladi hii Qaadhaanka soo dhiibay iyo
Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay dilaaliin lacagta loo soo
dhiibo ku kharashgareeya safaro ay iskaga dab qaadaan Nairobi iyo
Somaliland oo ay badsadaan kharashka.
Maxamed Xaashi waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacada
BBC-da laanteeda afka Somali ga, waxaanu yidhi “Waxa jira dilaal u
dhexeeya qoladii bixisay aduunka inagu gargaartay iyo dawladdii waxa
u dhexeeya qolo dilaaliin ah oo kolkaa ama UNICEF ha la yidhaahdo
ama UNDP-ha la yidhaahdo magacyo noocaas leh oo dhexdhexaad ah ayaa
jira oo Nairobi degan inta badan lacagta ay bixiyaan oo inta badan
la yidhaa Somaliland ayaa loogu deeqay waa lacag aad u badan, wax ka
muuqdaana ma jiro sida runta ah, hadaan tusaale ku siiyo 2010-kii
waxa loogu deeqay Somaliland 98 Malyuun oo dollar waa lacag aad u
farabadan, caafimaadka oo qudha waxa loogu deeqay 4 malyuun iyo badh
intaas waxa ay dhisi kari lahayd saddex Cusbitaal oo waaweyn oo
boqol Sariirood midkiiba yahay iyo qalabkoodii, markaad eegto
lacagtaasi talaal iyo Siminaaro meelo lagu qabto iyo Nairobi oo la
tago oo shir yar loo tago oo dhawr maalmood ah iyo Djibouti oo shir
lagu qabto iyo wax caynkaas ah mooyaane wax naf leh oo meeshaa ka
soo baxay ma jiro. Kalkaa lacag la lunsado oo iyaga uuni inta badan
ay isticmaalaan ayay ku masabidaan caalamka soo koraya.
Anigu se ta Somaliland ayuunbaan u warhayaa, waana wax layaab leh ah
haddii aan tusalae ku siiyo UNDP ayaa ii timid waxa ay ila galeen
shir, hadana qolo kale ayaa shir ila galay, intaas oo dhan kharash
ayaa baxaya goor walba waxa ay kuula imanayaan tii aad ka hadasheen,
sheeko uun buu waxooduba yahay, kolkaa safarkoodan lacagta way ku
badsanayaan. Somaliland inkasta oo ay nabadgalyadeedu aad u wana
agsan tahay, hadana waxa ay iyagu lacagta ku qaadanayaan inta badan
meel khatara ayaanu joognaa ay aa wax lagu siiyaa, kolkaa waxa jira
dad u bartay sidan oo muddo dheer ku soo noolaa sidan, khasaaraha
ugu weyn ee la qabaana waxa uu yahay wixi loogu deeqay ummadan
Somaliland oo kale ma soo gaadhayo Somaliland, kuwii waxan bixiyeyna
kama daba tagaan, oo wax lagu shaqaysanayo ayuunbay noqotay, oo qaar
baaban Eryey oo aan idhi ha ii imanina haysta waxa aad bixinaysaan,
in aanu isla xisaabtano ayaa ka fiican intaynu bini’aadam baryayno”.
Mar la waydiiyey Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Maxamed
Xaashi Cilmi sida looga hortagi karo lac agta ay hay’adahani kharash
gareeyaan ee aanay waxba ku qabanayn ee iyaga ku baxa waxa uu yidhi
“In lala xisaabtamo ayaa meesha ku jirta oo la yidhaahdo waxa aad na
siinaysaan muxuu ku baxayaa waxaas ayuu ku baxayaa marka la yidhaa,
hadaba anaga iyo qoladii deeqda na siisay waxa aanu samaynaynaa oo
aanu ka wada hadlaynaa sidii waxayagani ay u ahaan lahaayeen wixii
loogu talo galay inay galaan.
Kolka hore Madaxweynuhu waa ninka ugu sareeya meesha oo isaga kama
maqnaan karto oo isaga iyo W asiiradiisu inta ay siyaasad dhigaan oo
maxaynu ka yeelaa la is yidhaa ayaa meesha ku jirta. Waxa horta agan
waxa weyi aqoondarona way jirtaa, xisaab darona way jirtaa, ordoo
naga tagaaba ku filan sidee ay aan la iskaga celin karayn, inta aynu
iyaga gacanta hoos haysano miyeynu ilaahay gacanta hoos haysano,
Raxmaadka ayaynu ka dhargi lahayn hadaynu Illaahay gacanta hoos
dhigano inta aynu iyaga baryeynee”.
Eng Maxamed Xaashi mar uu ka hadlayey korodhka Miisaaniyada ee uu
sameeyey intii uu xilka Wasaarada asi hayey iyo siday ugu suuro
gashay ayaa waxa uu yidhi “45 Milyan ayay Miisaaniyadii hore ahayd
halka aanu gaadhsiinayna waxa weeyi 83 Malyuun, lacagtaasina waxa ay
ka iman kartaa kolka aad eegto cashu uraha la qaadayey ayaa aad u
yaraa cashuurahaasi aanu anagu qaadaynay waxa ka mid ahaa guryaha
kiradooda Macaashal-macaashka laga qaado guryaha kiraysan maaha kuwa
dadkii lahaa ku jiro, waxa kale oo jira shaqaalaha cashuur laga
qaado (Payroll Tax), waxa kale oo jira shuur laga qaado wixii la
iibiyaba in wax la saaro (Sales Tax), aduu ilaa lixdameeye cashuuro
ah oo noocaas ah ayaanu qaadaynay oo inta badan aan hore loo qaadi
jirin”
Mar uu Wasiirkii hore ka hadlayey sida ay ugu suurta gashay waxa uu
yidhi “Waxa aanu samaynay kolka hore shaqaaluhu waxa uu qaadan jiray
lacag aad u yar kolkaa boqolkiiba boqol ayaanu mushaharkii hord
hinay, waxa kale oo aanu samaynay meheradihii, tusaale ahaan hadaan
Hargeysa u soo qaato waxa ay u qaybsan tahay 5 waaxood, shantaa
waaxoodna waxa ay u sii qaybsan yihiin 22 xaafadood, kolkaa Hargey
sa ayaanu ka furay xafiisyo waaxahaa oo aanu tirakoobnay oo aanu
Computrise-garaynay meher adaha ku jira goobtaas haduu yahay
sharikad yahay, haduu ganacsi kale yahay, dabeetana waxa ay noqotay
in aanu gaadhnay heer aanu ogaan karno waxa naga soo gali kara meel
walba, kolkaa waxa ay halkaasi ku tusaysaa in la wadi karo in
cashuurtii sii kordhi karto sanad walba, kol hadii si nidaam leh loo
sameeyo.
source:haatuf
|