Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo ka hadlay madal lagu daah furayay laba naadi oo akhriska iyo Hal abuurka ah oo ay yeel an ayso jaa macada lucy university waxaanu halkaasi ka jeediyay dardaaran aad u dheer oo wax ku ool ah, kaasi oo uu kula dardaarmay


" Waa in Gabayga Qofka hal Abuurka ahi Tirinayaa Waafaqsanyahay Xaqiida Dhabta ah ee Nolosha Jirta" Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi



Hargeysa (TNN)-Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo ka hadlay madal lagu daahfurayay laba naadi oo akhriska iyo Hal abuurka ah oo ay yeelanayso jaamacada lucy university waxaanu halkaasi ka jeediyay  dard aaran aad u dheer oo wax ku ool ah, kaasi oo uu kula dardaarmay hal abuurka da,da yar ee maanta raba  in ay bulshada u soo bandhigaan gabayo, maansooyin iyo wixii la mid ah, waxa uu yidhi “umada aad doonaysaan inaad la hadashaan waxay leedahay xeerar,dhaqan, shuruudo, iyo Taariikh soo jireen ah, waxa la diinka  baa hanyahay inaad ilaalisaan dhaqankaa iyo xeerarka umadaasi ee soo jireenka ah, waxa la idiinka baahanyahay inaad dadka waayo araga ah aad wax waydiisaan, oo la idin tusaaleeyo, sidan iyo halkan ka saxa la idin yidhaa, si umada wax hodan ah aad u hor dhigtaan”.



Abwaan Maxamed ibraahin isaga oo hogo tusaalaynaya jidadka ay marayaan Hal abuurada yaryar ee  maan ta raba Inay Gabayo jeediyaan inay raacaan jidadkan:



* In aad barato umadda dhaqankeeda

* Inaad yeelato ereyo kugu filan oo aad ka gabaydo

* Aqoonta aad u leedahay Afka oo kaalin wayn ka qaadanaysa

* Xuruufaha afsomaliga ee laga gabyo uu u kala saaray seddex qaybood oo kala ah

1. Xarfo hodan ah sida, G, H, A, D, DH, B.

2. xarfo meel dhexaad ah, N,W iyo qaar kale

3. Xarfo Sabool ah.

Isaga oo xusay in ay ka gabyaan Xarfaha hodanka ah ka dibna ay dadka marka ay dhagaystaan bulshadu qiimayn doonto ka dibna aad ogaan doonta waxa kuu saxda ah iyo waxa kaa qaldan.


Abwaan hadraawi waxa kale oo uu sheegay in ay Muhiim tahay in Gabayga qofku tirinayaa Waafaqsanyahay Xaqiiqda Dhabta ah ee nolosha jirta. Abwaanku waxa uu tusaale u soo qaatay in wakhtiyadii laga gabyi jiray jacaylku qiimo lahaa oo inantu qiimo lahayd balse maanta hadii aad jacayl ka gabaydo aan cidi ku dhagaysanayn, isaga oo ku sababeeyay Abwaanku arintaasi hablaha si dhibta yar loo kaxaysanyo oo meesha ka saartay halgankii dheeraa ee loo soo mari jiray, waxaa laga bixin jiray inanta konton Geela oo ninku ku celin jiray xaqii iyo barbaarintii waalidka galiyay ilmihiisa.


Waxaa kale oo uu sheegay in konton sano loo hurdi jiray boodhka, waxa kale oo uu ka waramay abwaanku Nacasnimada jacaylka oo uu tusaale u soo qaatay Cilmi boodhari isaga oo ka sheekeeyay markii cilmi hablaha loo keenay laabta u soo qaawiyay balse uu cilmi u joojin waaway oo ay u cadayd hodan. Waxaana uu sheegay in jacaylka uu daaweeyo kaliya qofka naburka gaystay.


Abwaan hadraawi oo xalay dhalinyarada wax badan oo waayo aragnimo ah u soo bandhigay ayaa sheegay in jacaylkii hore ee somalidu uu kala aahaan jiray laba nooc oo kala ah.

1. Jacayl lugooyo
2. iyo jacayl lexejeclo.


 

 


Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacade News Network TNN
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland