MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN ,QEYBTII SADDEXAAD & KAALINTA AY KA QAATEEN HAL ABUURKA SUUGAANTA SOMALIYEED

 


Marka ugu horeysa waxan salaan xushmad & qadariin ku dheehantahey ku salamaya ,dhamaan shaqaalaha websetka , gaar ahaan mamulka shabakada , sidoo kale waxaan salan xushmad & qadariin ku dheehan tahey waxaan ku salamaya dhamaan akhristaha sharafta badan ,
intaas ka diib ,


WAA QEYBTII SADDEXAAD EE AHEYD DOODEYDII (MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN ,WAXAAN QEYBTAN SADDEXAAD KU SOO QAADAN DOONA ,INSHA ALAH, QEYBTA AY KA QAATEEN ,HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMAALIYEED ,WAX TAR & WAX YEELABA MIDEY TAHEYBA ,
HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMAALIYEED AYAA AH MIDUU ,ALLAH ,SW, HEYBAD & HIBO U SIIYEY ,TAASOO AY KAGA HADLAAN HADBA XAILIGA & WAKHTIGA JOOGA ,KUWAASOO AY INTABADAN SAAMEEYA ,XILIYADA BARWAAQADA & XILIYADA ABAAREED, SUUGAANTA HAL ABUURKA SOOMAALIYEED AYAA AHA MIDEY BULSHADA SOO MAALIYEED U DHAGO NUGUSHAHEY , HAL ABUURKAAS OO ISKUGU JIRA MID ,GABAYO ,GEERAARO ,HEESO ,MAAHMAAHYO , BURAANBURO,KUWO MAAWEELO AHBA ,KUWAASOO AY BULSHADU AAD U XIISEEYAN ,HLA ABUURKA AYAA AH MIDA WAKHTIYAAL BADAN HAJI JIREY UMADA KA KAALIN WEYNA KA QAATEY HALGANKII GOBANIMADA & HORUMARKA BULSHADA KOLBA LAGU WACYI GALIN JIREY , HADABA WAXEYNU QEYBTAN KU EEGEYNAA ,KAALINTA UU KA QAATEY HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMALIYEED ,TAKOORKA QUURSIGA & DULMIGA KU SALEYSAN HEYB SOOCA ,


=S=SU AASHUNA WAXEY TAHEY KAALINTA UU KA QAATEY HAL ABUURKA

SUUGAANTA SOOMALIYEED WAA SIDEEE ,MA MID WAX TARLEEHBAA MISE WA MID WAX YEELO U GEYSATEY ,DULMANAHA LA QUURSADEY EE BEESHA GABOOYE ?


AKHRISTOOW ANIGOO KA DUULAYA SU AASHAAS AYAA WAXAAN BAADHIS DHEER & DARAASADO KU SAMEEYEY ,HAL ABUURKA SUUGANTA SOOMALIYEED EE GABAYADA DHAXAL GALEY INAAN BAL OGADO KAALINTA AY KA QAATEEN , NASIIB DARO WAXAA IIGA SOO BAXDEY INEY KAALINTA LABAAD EE UGU WEYN AY KA QAATEEN HAL ABUURKA SOOMALIYEED KUWASOO KU BUURINAAYEY KUNA TAAGEERAYEY DULMIGA ,BULSHADANA U HORSEEDAYEY INEY DADKANI KA HOOSEEYAAN UMADA KALE SIDA AYDUN KU ARKI DOONTAA GABAYASHA QAARKOOD EE HOOS KU OQRAN ,
=S= JAWAABTEDUNA WAXEY TAHEY WAXEY KA QAATEEN ARAGTIDII UGU XUMEYD EE AY BULSHADA U SOO BANDHIGAAYEEN SI MUUQAALABA IYAGOO U ADEGSANAYA HALQABSI WIXII XUN EE AY WAX KU TILMAAMAYAN AMA AY CID WAX KAGA SHEGAYAAN WAXANA KUU CADAANEYSA MARKA AAD U DHABO GASHO GABAYADA INTOODA BADAN EE DHALIISHA & XUMAANTABA LEEH INEY KU DAREENSIINAYAN WIXII XUNBA INUU RERKAAS LAMID YAHEY LAGANA FAANO ,

BAL AYNU KU HOREYNO AKHRISTOOW DHANKA ,MAAHMAHYADA ,QEYBTA AY KA QATEEN ,DULMIGA HEYB-SOOCA ,KUSALEYSAN ,WAXAA KA MIDA MAAHMAAHYADAN ,


(AWR MIDGAAN AWR AJIBAA DHALEY )

TAASI WAXEY KU TUSEYSAA BAL DADKA ISKA DAAYE ILAA XOOLAHA INAN SHARAF & WANAG LOO OGOLEYN ,SIDA AYNU WADA OGSOONAHEY MAAHMAAHDANI WAXEY KU SOO BAXDEY ,NIN MIDGAANA ,AYAA AWRKIISU WANAGSANA OO UU QURUXBADNA KUNA WANAAGSANA XAGA MUUQA & XAGA XAMUUL QAADISTABA , MARLAGA YARA FAALOONAYEY WANAAGA & SHARAFTA QURAXDA LEH EE UU LAHAA AWRKAASI NINKA MIDGAAN LAHAA ,AYAA SI LOOGU DIDO SHARAFTAAS MAAHMAHDANI KU SOO BAXDEY ,UJEDADUNA AY TAHEY & MICNAHA MAAHMAAHDA ,SHARAFTA LAGU TILMAAMAY AWRKAS MIDGAAN INUU KA SO JEEDO ASAL AHANTIIS AWR AJI , OO UU HALKAAS KA WATO ,OO UU AWR AJIBA DHALEY , AWRKAAS MIDGAAN ,

(ABAAL MIDGAAN WAA INTUU FARUURYADU U QOYON YIHIIN )

MAAHMAAHDAN KALE WAXEY KU TUSEYSAA INEY TAHEY MID WAX LOOGU DHIMAAYO DADKA LA HEYB-SOOCO OO AH MID SHARAFTOODA & JIRI TAANKOODABA WAX LAGU YEELAYO TAASOO DADKA LATUSAAYO IN ILAA MAAHMAAHYADA LOOGU ADEEGSADO XUMAANTA BULSHADANA LA DAREEN SIINAYO INEY DADKA

XAGA HAL ABUURKA SUUGAANTA MAANSADA SIDA GABAYADA AYAA AH KUGU BARTILMAMEED LOOGA DHIGTO WIXII XUMAANABA ,TUSAALA AHAA MARKA UU DOONAYO INUU ,NIN HAL ABUURI AMA GABAYAYI CAAYO AMA DHALEECEEYO QOF AMA BEEL WAXAA UU U ADEEGSANJIREY XUMANTA UU NINKAS AMA BEESHAS KU SHEEGAYO INEY SIDA MIDGAHA AMA GABOOYAHA AY U XUN YIHIIN ,WAXAANA TAAS INOO CADEYNEYSA OO AYNU QEYBO YARYAR KA SOO QAADANAYA GABAYO DHAXAL GALEY OO WALIBA AY TIRIYEEN KUWA UGU WAAWEYNAA AMA UGUBA CAANSANAA ,INKASTOONAN ANIGU MAGACYADOODA WADA SIXI KARIIN BALSE MAGACA ,ABWAANKU AMA HAL ABUURKU MAAHAN MID SIDAAS U MIHIIMA IN LA SHEEGO EE WAXAA KA MIHIIM SAN UUN IN LA SAXO GABAYADIISA ,
TUSAALE AHAAN ABWANK (SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN ) OO AHAA KUWA UGU WAWEYN HAL ABUURKA GABAYAASHA WAKHTIGAS AYAA WAXAA KA MID AHAA GABAYADIISII DHAGAL GALEY GABEY UU DOONAYEY INUU NIN U TIRIYO KUNA SHEEGO NINKAAS XUMANTIISA & DHALIISHIISA OO UU BEELA BADAN GABEYGA KU DHALEECEYNAYEY AYAAN KA SOO QAADANAYA INTA ANAGA NA KHUSEYSA EE AY KA MID YIHIIN , TUDUCYADANI SIDA,


( CIISAHA BAKHTIGA HIIGIYO ,HOQOY MIDGAANBAA LEEH )
WAXEY KU TUSEYSA TUDUCDANYARI ,KALMADAN ,HOQEY, INEY TAHEY MID KA TURJUMEYSA WIXII UR ,AH AMA QARMUUNA ,TAASOO ASAL AHAAN KALMADANI ,HOQEY, MID LA DARISA KALMADII (MIDGINTA) EE LAGU MIDGINAYEY ,HARGAHA AMA SAANTA XOOLAHA ,WIXII UR AMA QARMUUNA EE KA SOO BAXAA TAHEY ,KALMADAN ,HOQEY ,

WAXAA KALO GABEY KA LAH KUJIRTEY OO UU TIRIYEY SAYIIDKU MAR UU HABEEN SAFAR AHA OO UU MARAAYEY MEEL HABAAS AH OO NAXDIIN & CABSI BADAN ERAYADAN AY KA MID YIHIIN ,
(WIXII JIIMKA II MAREY ,MIDGAAN JIL ISLA XOODAYA ,) TAASINA WAXEY KU TUSEYSAA BAHALADA UU KA BAQAAAYEY & CABSIDUBA & MIDGAANKUBA AY U WADA SIMANYIHIIN ,

INTAAS HADAN KAGA GUDBO SAYIDKA GABAYADIISA ,

WAXA KALOO JIREY GABAYAAN CAAN AH OO AANAN MAGACIISA ANIGU SAXI KARIIN , ISAGUNA GABAY UU TIRIYEY BULSHADA TUSAAYA MIDGAHA GABOOYUHU INNEY BULSHADA KAGA DHEXBAXEEN BAKHTI AY BARI CUNEEN WAXAA KA MID AHA GABYEGIISA ERAYADAN
=SAB TABA MIDGAHA WAXAA LOOLA SIMEY,SABAN ABAAREED,
=WAAGEY SAMADU TOSNEYD WEYNALA SINAAYEENE ,

EREYADANI WAXEY KU TUSEYSAA INEY MIDGUHU CUNEEN BAKHTI SIDANA AY KAGA HOOSEEYAN BULSHADA KALE TAASINA WAXEY KEENTEY INUU GABEYGAN KALIN WEYN KA QAATO DULMIGA & HEYB-SOOCABA ,OO AY HAL HEYS KA DHIGTAN AJIGU MARKA AY WAX KA SHEEGAYAN MIDGAHA UNA SOO QABSADAAN GABAYADAN DHAXAL GALEY EE MIDGAHA LAGU AFLAGAADOONAYEY,


WAXAA KALOO JIREY NIN GABYAAYA OO LA SHEGEY INUU ASAL AHAN KA SOO JEEDO GABOLADA MUDUG ,AYAA WAXAA LAGU YIRI MALAHA GABAR AY QARABO YIHIIN ,WAXAA GUURSADEY NIN MIDGAANA ,SHEEKADII MARKUU MAQLEY NINKAAS GABYAAGA AHI AYAA ,ISAGOO MEEL LA JOGUN OO LA SHEEGEY INUU MARKAAS MUDUG MEEL KALE KA JOOGO AYUU INTUU DAMQADEY KANA XUMADEY GABARTAA INAADEERTII EE UU GUURSADEY NIN MIDGAANII UU SOO TIRIRYEY GABEY AY ERAYADANI KA MID YIHIIN ,
=HABLIHII DHEEGA MAXAMUUD LAHA ,DHIMEY WARKOODIIYE,
=DHAGDHAGLOOW MIDGAANBA KU QABA ,MEEL DHEXDIINIYE,

SHAKI KUMA JIRO INUU NINKAN GABYAGU UU HALKAAS KU MUUJIYEY DAMQASHO & DAREEN AAN CAADI AHEYN ISAGOO KICINAAYA DHIIRINA GALINAYA NIMANKA ILMADEERADII EE HALKAAS JOOGA WAXEY UGU EEGAYAN ,GABARTA, UU NIN MIDGAANI KU QABO DHEXDOODAA, EE AY UGU DAAWANAYAN ,UJEEDADU WAXEY TAHEY MAXAA LOOGA FURI LAAYAHEY AMA LOO DILI LAAYAHEY NINKA MIDGAANKA AH , HADABA TASI MIYAANEY WALALAYAL KU TUSEYNIN INEY DULMIGA & QUURSIGA AY AJIGA SOOMALIYED KU HEYB-SOOCAYAN DULMANAHA GABOOYE ,GABAYAAGU INUU KU BUURINAYEY KUNA TALINAYEY INEY KA HOOSEEYAAN BULSHADA KALE ,BEESHA MIDGAH EE GABOOYE ,

WAXAA KALOO JIREY NIN GABAYAYA INUU GABYEY UU LEEHYAHEY GABYEY KA MIDA GABAYADIISA OO ERAYADIISA AY KA MID YIHIIN ,


=MIDGAAN REER LA YAALBAA
=MAGACTIISA LA DHACAA
= MUNKURNA LOOGU DARAA ,


BAL SIFIICAN UGU FIIRSO ERAYADAN WAXEY KU TUSEYSAA INUU MIDGANKAAS REER LA YAALA MALKIISA LA DHICI KARO OO WALIBA KIBIR & DILBA LOOGU DARA ,SUBXANALAAH, MIYAANU MUUJININ IN MIDGAANKU MEEQAANTA AADAMIGA UGU HOSEYSA BULSHADA UU YAHEY ,KUNA BOORINEYNIN BULSHADA INEY DHICI KARAAN KIBIRN A UGUBA DARI KARAAN ,

HADABA AKHRISTOOW WALALAYAAL MIYAANEY ARIMAHANI AHEYN WAX LAGA XUMADO OO LAGA DAMQADO IN LOO KALA HADHI WAYO OO KIINA CAWAANA EE CAAMAHA AHI & KIINA LA BIDAAYO AQOONTA GABARASHA HAL ABUURKA MANSO INEY SI WAX UWADA QUURSADAN OO AY WEYDO BULSHADAN WALALADIINA E ISLAAMKA AH IDINLA AFKA AH IDINLA MIDABKA AH IDINLA DEEGANKA AHI INEY WEYDO ,CIID UROON ,AMA AY KU TIIRSATO ,

WAXAA KALOO KA MID AHAA ABWAAN KAN GABEYGAN TIRIYEY OO LA YIRI MALAHA NIN AY ILMAADEER YIHIIN AYUU ISAGOO SAFARA SOO MAREY ,NINKA NINKAN REERKA LEEH AYAA AHAABA LA YIRI NIN MARKUU DADKA MARTI GALIYO WAXUU SOOR SIIYO ,MAALINTA DANBE KAGA SHEKEYA MEELAHAS OO KU FADEEXAD UGA DHIGA , MARKAAS WAXAA LAYIRI ABWAANKAN SAFARKA AHI WAA LOOGA SOO DIGEY INANU NINKAS REERKIISA MARTI U NOQON ,MARKII UU U YIMID NINKII REERKIISA AYUU NINKII ,REERKA LAHA EE LOOGA SOO DIGEY ABWAANKA ,UUYIRI INADER CAAWA ILA JOOG BARI AYAD TAGIYE , ABWAANKII OO DIGNIINTII LOOGA SOO DIGEY QABA AYAA KA DIIDEY KUNA MUJIYEY GABEYGAN , ISAGOO KU MUUJINAYA HADDUU MARTI GALINTIISA SOORTIISA UNA INUU LA MEEQAN YAHYE,NIN MIDGAAN AH,


WAXUU KU BILABEY GABEYGIISA

WAAN LA HEEREY HEENSIGA ,BARIIS HILIB LA GEEDEYEEY,
IYO HALAB KARUUREED OO HAAMO LAGA BUUXSHO
INTAA WAA TUBAA HALKAA HOOY KU LEEHDYAHAY
NOO HOYO ANOO REER ISKALEH WAA HANAAN XUME ,E
HABKAAD YEEL I LEEHDAHEY HADDAAN KUGU HOGAAN RAACO
HAAWAY KUU LIITIYO MIDGAAN HOOR LEH BAAN NOQON,

AKHRISTOOW NINKAASI SOW KUUMA MUUJINAYO INUU HAL ABUUURKIISA MAANSO KU SHEEGAYO HADDII UU U MARTI NOQDO INAADERKII O UU INAADERKII SHEEGO INUU MIDGAAN KA MIIQAN LA MEEQAN YAHEY AMABA UU KA HOOSEYO ,
WAR MAXAA MIDGAAN HEYSTA KKKKKKKKK CAJIIB ,

WAXAA KALOO JIREEY NINKAN SIDEY IDIINKA MUUQATO GABEYSIISA LOO TUHMEY INUU QAATEY HAL NINKELE LEHYAHEY MARKII LA WEYDIIYEYNA UU KU MUUJIYEY DHAAR GABAYA OO UU KU TUSAYA INUU XAAATAHADDII UU MIDGAHA HILIBKA KA II BIYO INUU MEEEQAN HOOSEEYO ,

Waxa jirey muddo fog oo 80 sano ku dhawaad laga joogo inuu gabay bilaabay nin Abasguul ah oo la odhan jirey Camanje Yogol. Camanje waxa sida la sheegay ama gabaygiisaba ka muuqata lagu tuhmay neef geel ah (hal) oo ool Isaaq ah oo ay isku ood dhawaayeen ka luntay. Hashii ayaa Camanje la weydiiyey asna waa ka cadhooday hasha loo qabsaday. Camanje wuxuu marshey gabaygan soo socda :


Nimanyoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye
Waa taan hudheelaha galaa, hogogga Iidoor'e
Waa taan hariisade gubaa, dhuxuli hoos taale
Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye
Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane.
SOW HALAKAS KUMA ARAGTAAN KAALINTA AY KA QAATEEN HAL ABUURKA MASNO XAATAA ILAA DHAARTA LAGA GAREY MID LAGAGA DHAAR FAANO ,CAJIIB ,

BAL AKHRISTOOW GABEYGAN KALENA ILA EEGA ,CAJIIB ,

Seben

Axmed ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1974.


Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.

 
1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe

4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene

 

 

 

 


QORE:BARKHAD XAAJI CABDI,MR GABOYE
ONTARIO CANADA
EMAIL:abokoriye1@hotmail.com