Maxaan ku muteystey heyb-sooca ,dood furan & jawaab gabey uu tiriryey ,abwan Cabdulaahi Xasan Ganey

 

Waxan halkan ka salaamaya dhamaan shaqalaha & maamulka shabakada websetka , salaan qaaliya u diraya & dhaman akhristaha sharafta badan ,magacaygu walaal waa (cabdilaahi xasan ganey), waan dareemi karayaa dulmiga loo geystey walalaheyga beesha gabooye, intuu leeg yahay iyo xanuunka uu ugaysan karayo qofka waxaas oo dulmi ahi ku dhacayaan, waxaa iyana walaal idin kala murugoonayaa garaabid li'ida aan aan qof qof mooyee cidi idiin garaabin iyo gartarada waxaas oo dhib ihi idinku soo gaadhay.waana mid aan la wadago tiiraanyada & culeyska gafku leehyahey walalaheyga gabooye ,

waxaan aad ugu faraxsanahey salaan taageero ahna aan u dirayaa walalkeena furey doodan ee (MR GABOYE) ee uu ugu magacdarey <MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN , anigoo ku dhiiri galinaya dhiirananta & geesinimada uu u soo bandhigey doodan ,kuna hanbalyeynaaya walalkey ,mr gaboye ,waxaanan leehyahey halkaa ka siiwac halganka ,


aniguna waxaan doodan (,maxaan ku muteystey heyb-sooca) dood furan qeybteyta kaga qaadanaya oo aan idiin soo bandhigaya < maansadan oo aan sameeyey mudo 6 bilood laga joogo magaceeda waxaa la yidhaahdaa :------------------------------------

Garashada diciifka ah


by:-- cabdilaahi xasan ganey

gad gadoonka waayaha
taariikh guracanoo
godob iyo xanuun badan
gun dad kaad ku sheegteen
guurti iyo waayeel
gadh cadaa wadaadiyo
gurboodkiyo dhalaankiyo
gabdho timaha soohiyo
beelahan gun iyo baar
milgahooda guud iyo
sharaftooda gaarka ah
dhulka lala galaayee
gidi aad yasaysaan
gaasiraada aadmiga
garashda diciifka ah
dhaqan kani gaboobee
lagu duro gabooyaha
marka aan guntiisiyo
gon dihiisa sii dayo
gef gef dhaafay weeyaan
waa gumaad sokeeyiyo
gacal lagu takooroo
reer lagu garbinayoo
dulmi lagu galaayoo
lagu gubo masaakiin
afka garashadiisiyo
galad diinyta eebiyo
gibil aam ka simanee
gidigoodba reeraha
inta faanka guratee
gobta isku taqaanaay
gardarada badheedhka ah
maxaad uga goleediin
goobtuu istaagaba
waa digan garbinayee
gardarada ku falayee
yibirkuna muxuu galay
yuu geelka dhacay bari
godobtani maxay tahay
gefka maad ka daysaan
sayn cadaale gaalaba
gabdhahaynu siinaa
gaaf ugu xaraynee
garaad laawa yaashaw
afka garashadiisiyo
kan aan gibil wadaagnee
kula gala masgiidada
gayaan kiisa weeyee
marka uu gashaantimo
usoo geed fadhiistee
idiin soo ardaa galo
maxaw uga gadoodaan
garashada diciifkiyo
inta faanka guratee
gobta isu taqaanaay
hubka lagu gabraartiyo
leeb qaanso gala iyo
dabin geed la sudha iyo
gudimo iyo daab iyo
miishaar wax goysoo
dhirta lagu garaaciyo
kabo fay gamuuriyo
daawaha giraanta ah
farsamada tan guunka ah
cidii suurta galisaa
mahad loo garaabiyo
guul iyo amaan iyo
in la dhiiri gali yiyo
keebay gayaan cay
gefka maad ka daysaan

garashada diciifkaay
inta faanka guratee
gobta isu taqaanaay
garaad laawa yaashaw
danbiyada gadhoodhiyo
nabsigaydun gurateen
guule wuu u jeedaa
inta ila garaadkee
garashadu direysee
damiirkoodu gubayee
gurti iyo cuqaal iyo
hal abuurka gaaxdiyo
gabyaagiyo aftahan kaw
guta waajib kiinoo
wacyi galint a fidiyoo
u gurmada dulmanahoo
gabashada tan dhaafoo
runta gogol dhigeediyo
xaqa soo gudbiya oo
reerahan la gaasirey
gar allee u hiishoo
u guntada sokeeyaha