Maxaad
ka taqaanaa wadanka Burunaay, Waa wa dan
ceynkee ah, War-bixin kooban oo laga
diyaariyey

Brunei ama Saldanada burinaay waa
wadan dhaca koonfur bari Asia, saldanada ka-talisa wadankaan ayaa
ahaan jirtay saldanad xoog badan oo qarniyadii 14-aad iyo 16-aad
katalin jirtay xeebaha Sarawak iyo Sabah oo hada raacsan wadanka
Malaysia iyo Sulu Archipelago oo ah jaziirad koonfur galbeed uga
taal wadanka filibiin, inkastoo markii dambe ay guluf colaadeed oo
lixaad leh ku soo qaadeen wadamada reer galbeedka, gumeesta haba ugu
horeeyaan Spain iyo Portuguese si ay u wiiqaan xukunkii Saldanadi
burinaay.
Qarnigii 19-aad gumeystihii reer galbeedka waxa ay ku guuleesteen in
ay u kala qeybiyaan labo, waxaana gumeysanayey dalka Ingiriiska
sanadihii 1888-kii ilaa 1984-kii lakin waxaa laga fara maroojiyay
1941-kii ilaa 1945-kii oo sy gacanta u gashay wadanka japan
dagaalkii labaad ee aduunka mudo 5 sano ah maamulkiisa halkaa ka
jiray.
Badka ay ku fadhiso isku geeyntooda waa 5,770 sq km(dhul: 5,270 sq
km+ Bad: 500 sq km).
Burunei ayaa ah wadan isku filanaansho ka gaaray xag walba oo la
xariirta nolosha dadka wadanka ku nool haba ugu horeeyso caafimaadka,
waayo dadka dalka u dhashay xanuun walba oo la soo gudboonaado ayaa
waxay helaan dabiibid lacag la’aan ah(free healthcare).
Dhaqaalaha wadanka ayaa ku tiirsan dhoofinta shidaalka iyo gaaska
dabiiciga.
Hab dhaqanka dadka u dhashay wadanka ayaa ah wadan si wey saameen ku
le h dhaqanka wanaagsan ee diinta islaamka taa oo mamnuuc ka ah in
dalka dhax diisa qamro lagu sameeyo iska dhaaf in lagu
iibiyo'e, sidoo kalana aanan laheyn waxa loo yaqaan night clubs
inkastuu yahay wadan aqoonta iyo dhaqaalaha aad uga sareeyo.
Lacagta wadanka Bruneian dollar halkii US dollar waxa uu u dhigmaa
2.22 Brun eian dollar.
Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 372,361 warbixintii
ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).
Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan sida Malay 67%, Chinese
15%, indigenous 6%, other 12%. Dadka dhalasha ahaan waa Bruneian.
Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxaa lagu sheegaa
da’dooda sidan:
0-14 sano: 28.6% (lab 54,342/dhadig 52,084)
15-64sano: 68.4% (lab 134,908/dhadig 119,814)
65 sadno iyo kaweyn3% (lab 5,301/dhadig 5,912).
Caasimadiisu waa Bandar Seri Begawan, dalkuna waxa uu xornimo qaatay
1 Jan uary 1984 kana xoroobay wadanka ingiriiska. maalinta
qaranku waa 1 January 1984.
Wadanka malahan xisbiyo siyaasadeen waayo waa boqortooyo dhaxal ah.
Burunei waxa ay xubin ka tahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa ay
xubin katahay ururadan: APEC, APT, ARF, ASEAN, C, G-77, IBRD, ICAO,
ICRM, IDB, IFRCS, IMF, IMO, Interpol, IOC, ISO (correspondent), ITU,
NAM, OIC, OPCW, UN, UNCTAD, UPU, WCO, WHO, WIPO, WMO, WTO.
Arbacada danbe la-soco Wadanka Combodia Insha'Allah.
Xasan Cabdi
Xersi (Xasan Cadde)
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia..... |
|