Maxaad ka
taqaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee is
ku tashaday, iyo kuwa laga tagay, maxaase ugu wacan ee
is dhaafshay?!

Maankeena
iyo malahiisu-toona inama siinayaan, waxan loo kabtiyin
oon loo kalihin oo lagu kifaaxay o!, waxan xaglaha loo
kala bixin oon loo xaydan oo xisaabtan galaya!, waxan
guntiga loo adkaysan oon loo garwaaxsan oo guul aad ku
hananayso!, Maahmaah ayaa tidhaa,xaglo
laaban xoolo kuma yimaadaan! isaga oo isna halkaa
ka aabaaraya baylahdeena ma-bojisintada ah
Cabdilaahi
Suldaan ''
tima-cade
'' waxa uu ku saafay oo uu weliba ku baayiciyay
erayadiisii amadka (
xasiida iyo aalaha )
ka macaanaa.-
- Lama
helo wadaadoow waxan cidi ku hawshoone
- Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso
leedahaye
- Hamadeenu ber-ri bay ahayd heesta naagaha-e
- Hel-leyda iyo barjahu waa waxii hoos inoo
riday! |
Allah naxariista jano ha ka waraabiyee, maxuu kor iyo
hoosba inoogu dhigay! maxuu hareera-mar iyo
hoga-tusaalaynba inagu maasheeyay! waxse ku qaadan mayno-e
mar kalena waa kii ina lahaa isaga oo qayrkeen inoo
sheegaya siday u dadaaleen;-
- Ingiriiskan laga qayliyee qaaq wax kaga
siiyay
- Isaguba marbuu qaadan jiray qaanso iyo
leebe
- Qarfe iyo mar buu seexan jiray qalqal
hoosteede
- Ha yeeshee quluub wada jirtaa qaniya
sheekhoow |
Waxba yaanan
maayadaha abwaanku kiciyay ku hafane, waxaynu eber iyo
mudh iyo gacan ka bilo wnay qaranka
Somaliland iyo dalkeena
dhisidiisa gugii 1991-kii,
markii aan dib ula soo noqonay jirit aankeenii
dawladnimo, xiligaa inta badan gayiga Somaliland waa
wada burbursanaa oo wax buuran oo la is dhaamay ma jirin,
marbaana alif-ka laga wada bialaabay dib u yagleelkiisa,
habar iyo habee nkeed iyo nin iyo dadaalkiiye mudo
ka yar 20 gu wadankii aad iyo itaal ayuu u kala tagay,
dhan kas taba, meelaa aad u taaba galay oo horumar
muuqdaa ka hirgalay, meelana waa hagaaseen, ka eegi
mayno daaraha la taagay iyo hantiyaha gaarka loo
samaystay dalka horumarkiisee, waxa haboon in hoos loo
dhugto, sida danta guud dadka reer Somaliland qaarkood
degaamada ay ku nool yihiin uga ambaqaaadeen, waxa in
lagu daydaa ay haboon tahay labada gobol een hoosta ku
qoray, iyo degmada aan ku nuday ee wehelisa, waxana in
la iska manciyaa ay aad u wanaagsan tahay sida gu
ud ahaan ay dalka intiisa kale yeeleen, welibana gaar
ahaan Gobolka Gabiiley..
- Waxa mudan in loo sacabiyo
Gobolka Togdheer,
oo istaageersiga dadkiisa ay u suurta gashay inay
biriijo dhib badan ku hayay
noloshooda qotonsadaan, iyaga oon dawlad iyo cid toona
ku xiloodin, Ja amacad, dhakhtar iwm ahna samaystaan.
- Waxa bogaadin mudan oo kale
Gobolka Awdal, oo hormood ka noqday abuurista
gole-aqooneed, oo u baalaleeyay cariga Somaliland
aqoonta qaybteeda sare ee heerka Jaamacadeed ah,
gobolkaa soo dadkiisu weliba hadana ku sii daray oo
suurta galiyay, inay dhakhtarada caalamiga ah ee waree
ga qaarkood ku soo xidhaan gobolka, oo ay sanadkiiba mar
ama laba jeer hawlo caafimaad oo dalka waxtar u leh ka
fuliyaan.
- Waxa iyana in la xuso mudan,
Degmada Alleybaday, oo dadkeedu ka soo mudheen
dadka reer So maliland, waxa u qabsoomay dadka
reer Alleybaday ( oo waxoogaa lexejeclo xumo lagu xaman
jiray berigii hore * kafatan * ) guul aad u balaadhan oo
dhanka waxbarashada iyo wax soo saarka beer ahaba
ah, waxay Alleybaday dabada-iskugu dhufatay degmooyinkii
iyo weliba Gobolol badanoo dal ka Somaliland,
waxana Alla magane mudan in lagaga daydo wanaaga ay
sameeyeen dadkeena reer Alleybaday.
Waxa in la iska waaniyo oo la iska manciyo ah sida dalka
intiisa kale yahay, bal Goboladan qooraa nso sida
ay u dhogor xun yihiin ee ay u shaashaysan yihiin, ee ay
shilintuna u cuntay, Sool,
Sanaag,
Oodweyne,
Saaxil,
Salal iyo
kuwa kale ee badan! waxay
goobahaasi qarka u saaran yihiin in laga qa xo oo laga
hayaamo, wax haba yaraatee naftu ay ugu xilato oo ulato
ayaa gabaabsi ku ah, maxaa sidaa ka
dhigay ee qayrkood ka reebay
ayaan nidhaahnaa, ma dawladaa mise
waa dadka ku nool? jawaabta
waxad ka helo oo intaaba sawir cad u ah
Gobolka Gabiiley
oo isagu ah, ka ugu liita
marka Somaliland
oo dhan la isku wada geeyo, dhankii aad ka
eegtoba, haday tahay horumarka gaarka ah iyo ka guudba.
Dib u dhacaa dul hawaarsaday Gobolada Somaliland oo
Gabiiley u
horaysana waxa sal u ah,
Tolfiiq la' i bulshada dhildhilaha u saaray,
oo sida looga furdaamiyaana ay
adag tahay ! Waxa aan haba ya raatee ku
qorayn qalbiyada dadka Gobolada hagaasay ka soo jeeda in
''
Gacmo wada jir
ay wax ku gooyaan ''!Wax
eed ah oo buuran oo ay dawlada Somaliland ku leedahay
dib u dhacaa iyo baaba' aa Goboladaasi ma jirto, waayo?
nin isagu is dilaya cidna ma
badbaadin karto.
Gabo-gabada, la kala bax oo la
kala jaqaafi oo 18-ka gu ee Somaliland jirtay
ayaa muujiyay sida da dka reer Somaliland u kala
karti badan yihiin, una kala wanaag iyo is weheshi jecel
yihiin hada ahaa ne, bal in la is canaanto oo dib
la isugu noqdo oo wanaaga la iskaga daydo oo lagu
tartamo horuma rka iyo in kale, aan dhawro ninkii
Ilaahay gaadhsiiyo, 18-ka gu ee soo socda ee danbeeya
iyo aaya ha halka la iskala soo dhaco.
Taloow may noqon Somaliland mid hal ku dhigan (
Gobolka laga badiyo gadhka shuuro
ha loo mariyo) iskugu
faanta, jawaabtu waa mooyi!
Ha jirto
Somaliland
oo ha Joogto.

Qoraagii
weynaa: Cali Cumar Xasan |
|