Maxaa Xala Hadii
Doorashada Somaliland Dib U Dhacdo Talo
Sharciyeed
( Xeerkiyo distoorkii loo dajaana kuma fulo
umad aan dabci aqoon) Abwaan gaariye
Ku hey qalbigaa beydkaa Gabeyga ah inta aad akhriyeyso talo
sharciyeedkan,
SU,AASHAA INTEYNAAN U GALIN JAWAABTEEDA WAXA HABOON IN AAN DHOWR
SU,AALOOD IS WEYDIINO?
1- Dastuurka inoo yaal iyo Dastuurkasta oo dal u yaal haduu qaran ka
waayo qodob uu ku xaliyo mushkilad qaanuuniya oo la soo gudboonaatey
xaguu jawaabteeda ka doonayaa, yaase xaq u leh jawaabtaa iney bixiso?
2- Muda kordhinta Golayaasha Dowlada Somaliland yaa xaq u leh oo uu
dastuurku siiyey hadii ay duruufi timaado doorasho dhiciweydo ?
3-Marka la eego dastuurkeena yaa jagada madaxweynaa buuxin kara ?
4- Goormaa Gudoomiyaa golaa guurtigu qaban karaa jagada Madaxwynaa
iyo Kuxigeenka oo wada socda?
4-Hore maaxa caado inoo aheyd marka doorasho dub u dhacdo?
Su aasha hore hadaan ku horeyno ee ah xageen u noqoneynaa kolka aynu
ka weyno xal distoorkeena sixal ugu holo Mushkiladaa distooriga ah
ama qanuuniga ah iyo yaa dacwadaa qaadideeda xaq u leh ,iyadoo
kooban waxan u noqoneynaa halkii asalka u aheyd distoorkeena ee laga
soo dhanbashey oo ah:
1- shareecada islaamka 2- caadada isu bedeshey curfi(habdhaqan jogta
noqdey) ha ahaado mid inoo gaara ama mid aan la wadaagnay dadyowkale
3- xeerarka caalamiga ah ee aduunka u yaal 4- qawaaniinta aan isku
bahda nahey iyo dowladaa aan isku nidaamka siyaasiga ah nahey sida
mareykanka oo kale.
Yaa xaq uleh hadii qodob distooriya leysku qabto fasiraadiisa inuu
ka jawaabo qodobkaa waxaa Xaq u leh Somaliland maxakamada sare oo
ahna maxakamada Dastuuriga halka wadamada qaar ay ka leeyiin
maxakamad dastuuriya oo ka baxsan maxakamada sare qaadana dacwadaa
dastuuriga ah .
Waxan u cuskaney jawaabta su,ashaa qodobadan dastuurka ee ah :
Qodobka – 10 aad oo leh( maxakamada sare waa hay,adda ugu sarraysa
Garsoorka ;isla markaana waxay tahay Maxkamadda Dastuurka).
Qodobka -127 aad ,oo leh mabanaana waxkabadal iyo kaabidda dastuurka
oo xanbaarsan nuxur ka soo horjeeda
b- mabaadida shareecadda islaamka.
t- midnimada dalka(israacsanaanta dhuleed).
j- mabaadida tala wadaaga iyo hananka xisbiyada badan.
x- xuquuqda asaasiga ah iyo xoriyada qofka.
Faqrada (b) ayaa inaga khuseysa qodobkaa oo ina tuseysa in ay
shareecaddu islaamku tahey halka laga soo dheeganaayo dastuurka.
Waxaa kaloon qodobkaa u cuskaney Qodonka -10 aad ee dastuurka
faqradiisa ,2,aad oo leh jamahuuriyada somaaliland waxey aqoonsantey
kuna dhaqmeysaa Axdiyada Qaramada midoobey iyo qanuunka dowliga ….)
Waxaa kaloon u cuskaney Qodobak -5 aad ee dastuurka faqradiisa 2 aad
oo leh xeerarka dalka waxaa laga qadanayaa shareecadda Islaamka ,waxaana
reban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.
Su,aasha labaad ee ah muda kordhinta golayaasha yaa xaq u leh uma
baahna dood badan qodobada ka hadlaaya mudda kordhinta dastuurka
ayey ku cadyiin waana kuwan:
Qodobka 42 aad wuxuu ka hadlayaa golaa Wakiilada yaa u kordhinaya
hadii doorasho qabsoomi weydo waxaanuu u dhiganyey Sidan( haddii
doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed
golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso
duruuftaasi lagana dooranayo gole cusub. Isagoo sii fasirya qodobku
duruufahaas ayuu yidhi ( dagaal baahsan,xasilooni daro gudaha
ah,aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir cudurada faafa,abaaro
culus,waxana qiimeynaya kana go,aan gaadhaya Golah guurtida kadib
marka xukuummaddu sidaa soo jeediso). Fahamka qodobkaasu waa in
golaa guurtidu go,aan ka gaadho mudo kordhinta kadib soo jeedinta
xukuumada Afaadaasna laguma darsan( hadii hay,aduu lacag soo shubi
waayaan,laguma darsan hadii gudida dorashooyinku khilaaf
hadheeyo,hadii xukuumada lacag weydo dorashada lagu qabto ,iwm) ,arimahaas
dastuur laguma qoro waayo baarlamaan barlamaan baa bedela
madaxweynana madaxweynaa bedela .
Qodobka 83 aad – Faqradiisa 5-aad waxey ku waa jibinaysaa Golaa
guurtida in ay u kordhiyaan muddada madaxweynaa hadii ay suurtoobi
weydo dorashadu waxanuu u dhiganyey sidan( hadii ay suurtoobi weydo
duruufo laxidhiidha nabadgalyada darteed in laqabto doorashadii
Madaxweynaa iyo kuxigeenka Madaxweynaa marka muddada xilkoodu
dhamaato,waxaa Golaa Guurtida Waajibku ah in ay muddada xilka u
kordhiyaan Madaxweynaha iyo kuxigeenka Madaxweynaa,iyaga oo
tixgalinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo;doorashaduna ku
qabsoomi karto.
Duruufaa qodobkanu duu duubey waxaa qeexaya qodobka 42- ee kor aan
ku xusney kana hadlay muda kordhinta barlamaanka .
Hadaba su,aasha soo baxeysaa waxey tahey yaa u kordhinaya guurtida
hadii doorashadoodu dib u dhacdo duruufahaas dartood ama se hadii
duruufahaas la sheegay qaar aan aheyni dib u dhigaan doorashada
maxaa tala ah mase jirtaa in gole kamida golayaash qaranku mudo uu
sii heyn karo xilka iyadoon duruufahaasu jirin distoorkuna u
ogolaadey taas oo hadii ay jirto gulayaasha kalana ka dabqadan
karaan waayo distoorku wuu is fasiraa?
Wey iska cadey in golaa gurtidu uu isu kordhinaayo isagu iyadoo uu
soo jeedinaayo madaxweynuu waana habka loo Raacey mudda kordhinta
golaa wakiilada ,waxaaneynu ogney in golaa guurtidu muddadiisu tahey
6 sano uu mar walba ka danbeynayo golaha fulinta iyo wakiiladaba
sanad ,waa sida distoorka ku qoran sababtuna waa xaqaa dastuurku
siiyey ee kordhinta ama isagu heysu kordhiyo duruufa jira aw good
ama cid kale how kordhiyee waxaana larabaa inaanu marnaba qaranku
hogaan waayin .
Wey jirtaa in gole isagoon duruufaahaa distoorku sheegay aaney jirin
in uu sii heyn karo xilkaa bal qodobkan eeg Buuqba madhasheen hadii
aad loo fahmee:
Qodabkaasu waa Qodobka 56 oo ka hadlaaya kala dirida wakiilada
waxaanuu sheegayaa sedan:
inuu madaxweynuu kala diri karo golaa ama golaa laftiisu is kala
diri karo arintaas oo doorasho ka dhalaneyso mudeysan oo ah lixdan
cisho guda hood oo madaxweynuu baahinayo lakiin hadii muddadu ay
qabsoomi weydo iyadoo golahaasu isagu iskii isu kala direy
maxakamada dastuurkuna go,aan ka soo saartey ama madaxweynuu uu
aftiqaran ku helay kala diridooda taas oo ka dhigeysa golahaa mid
umadoo dhami diidey ama isagu kartila,laan iyo xilgudasha la,aan
isku soo oogey ayaa hadana distoorku leeyey hasii fadhiyo hadii
muddada 60 ka cisho ah laga gaadhsiin waayo taas oo u banayneyn
madaxweynaa ama shacabkaba ama maxakammada dastuurigaba in ay soo
fadhiisiyaan golaa wakiilada cid aan kuwii hore aheyn ee waxma
tarayasha shacabku ku si feeyey ama iyaguba isku sifeeyey
arintaasuna waxey ku cadey Qodobka 56 aad faqradiisa 6- oo leh(hadii
aftida qaranku taageri weydo kala dirida golaha Wakiilada,ama
doorashadu qabsoomi weydo.Golahii hore ayaa xilka sii heynaya.)
Halkaa waxa kacad inan wax duruufa la sheegin oo la diidanyey in
xilkaasi cidla ku soo dhaco xataa haduu ninka hayaa uu yidhaa iga
qabta dastuurkuna cid anu markaa ku bedelin waxaa la leeyey sii hey
ilaa inta mid kale aanu ka dooraneyno xaqna waa loogu leeyey hadii
kale wuxuu noqonayaa nin dalkiisa hagraday .
Su,aasha sadexaad ee ah yaa jagada madaxweynaa buuxin kara waxaa ka
jawaabaya Qodobka 91aad ee dastuurka oo ka hadlaaya awoodaa
madaxweyne ku xigeenka faqradiisa 3aad oo u dhigan sedan( Madaxweyna
ku xigeenku wuxuu awood u leyey qabashada xilka Madaxweyna nimada
kolka ay jagadu banaanaato sababahan dartood:
b- Iscasilaad(xilka tegid) Madaxweynaha
t- Xukun danbi ah oo xilka lagaga xayuubiyey.
j- marka uu howshii loo doortey gudan waayo caafimaad –daro darted.
x- geeri ku timaada.
Hadii xaladahaas kor ku xusan ay ku yimaadaan Madaxweyne ku xigeenka
waxa uu Madaxweynuu ka soo dhexdooranayaa Wakiilada xubin ka mida
siduu u noqdo Maxadweyne ku xigeen Waxana an saxinaaya labada gole
Guurtida iyo Wakiilada.
Suu,aasha afraad ee ah Gormaa Gudoomiyaa golaha guurtidu xaq u
leeyey inuu qabto jagada Madaxweynaa iyo Madaxweye ku xigeenka oo
isla socda waxaa inoo cadeynaya qodobka dastuurka 89 aad Faqradiisa
4 aad oo leh sidan:
( hadii madaxweynaa iyo kuxigeenka Madaxweynaa isku mar ku timaado
xaalad kamid ah xaaladaha kusheegan Qodobka
86 aad oo ah( geeri , maamuska xayuunbin , cafimaad daro) waxaa
xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u heynaya Gudoomiyaha Golaha
guurtida .Waxaana lagu qaban donaa dorashada Madaxweynaa iyo
Madaxweyna ku xigeenka mudo 60 maalmood gudahooda oo ka bilaabmeysa
maalinta xaaladu sugnaatey)
Markaas oo kaliya ayuu qaban karaa Gudoomiyaa Golaha guurtidu xilka
madaxweynaa iyo madaxweyna ku xigeenka
Oo isla socda. Halkaa rayi fiqiya oo qanuuniya ayaa inoo ga soo
baxayaa ,kolkaan is weydiino su,aashan hadii Gudoomiyuu uu Ka
gaadhsiin waayo Doorashada maxa dhacaya iyadoon duruufii distoorku
sheegay aaney jirin ,jawaabtu waa cadey isagaa sii heynaya xilka
Madaxweynaa ilaa inta laga qabanayo doorasho xisbiyadu ku tartamaan
hadii aanuu si ula kaca arintaa u sameyn oo labada gole oo uu
gudoominayo Gudoomiyaa maxakamada sare aney ku soo oo gin maamuus
kaxayuubin sidaasu hadey dhacdana waxa jagada buuxinaya oo noqonaya
Madaxweyne iyo Gudoomiyaa Golaa guurtida ku xigeenkiisa oo isna
qaban qaabinaya doorashada mudo 60 cisho gudahooda.
Su,aasha shanaad ee ah, hore maxa inoogu caada aheyd marka ay
arintan oo kale dhacdo arintaasu waa iska cadey oo waxaa caado curfi
(habdhaqan joogta ah) isu bedeshay inoo noqotey in ay Golaa guurtidu
kordhiyaan ilaa inta doorasho laga gaadhayo curfigaana waxaan ku
dhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Marxuumki Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal,waxaa kaloon ku dhaqaney kolkii muddada loo
kordhiyey Barlamaankii kan ka horeeyey, waxaa kaloo ku dhaqaney
kolkii muddada loo kordhiyey Golayaashii Degaanka ,waxaa ka loo
kudhaqaney kolkii muddada loo kordhiyey Golaa Guurtida iyo
Madaxweyne Dahir iyo ku xigeenkiisa mar walbana waxaa keenaysay
duruufo aaney ku eedeyn Gudida doorashooyinku Madaxweynaa iyo ku
xigeenka in ay carqalad ku yihiin doorashada .
Hadaba hore waxaan u nidhi dastuurka hadii laga waayo qodob xaliya
mushkilad ina la soo gudboonaatay waxan u noqoneynaa melaa laga soo
qaato dastuurka oo uu ka midyey (curfigu) oo ah caado in badan lagu
dhaqmey oo isu rogtey curfi Dastuuriya oo ah sida xaaladan ina
hortaala waana arin inuu ku qanco ay tahey ninka aan ku qancin
waxaas oo qodoba ah ee aan soo sheegnay .
Gabagabadii waxa haboon inaan axsaabta qaranku muran madhaleysa
waqtiga isaga lumin dalkanu gudi doorashuu leeyey deeqbixiyaaal kor
kala socdaa jira waxaa haboon in hawlaa dorashada la dardar galiyo
loona wada guntado Sidii dalka doorasho uga dhici laheydna laga wada
shaqeeyo hadii laga gaadhsiiyo 29 march waa sidii larabey hadii laga
gaadhsiin waayo waa in ay cadeeyaan arintaa gudida doorashadu
Guurtiduna waa jibaad keeda distooriga ah qaado iyadoo mudada la
kordhinayo kala tashaneysa sadexda xisbi qaran , gudida
doorashooyinka iyo xukuumada kadibna waxaa waajib ku ah Golaa
guurtida in uu xilka u kordhiyo Madaxweynaa iyo ku Xigeenkiisa sida
uu dhigayo
Qodobka 83 aad faqradiisa 5 aad oo u dhigan sedan (hadii ay
suurtoobiweydo duruufo la xidhiidha nabadgalyada darted in laqabto
doorashadii Madaxweynaa iyo ku Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii
xilkoodu dhamaato,waxa Golaa Guurtida waajibku ah in ay muddadii
xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaa iyaga oo
tixgalinaaya muddada dhibaatada lagaga bixi karo;dorashaduna ku
qabsoomi karto).
Sidaa halkaa ka cad kordhini waa lama huraan waayo xilkaa uma banana
cid kaloo qabankarta hadii aan Madaxweynaa iyo ku Xigeenkiisa lagu
soo oogeyn maamuuska xayuubin ,wixi halkaa loo sii qod qodaa ee
kaleba waa waqti lumis.
Qolada mucaaradkana waxaa ku haboon inaaney hun gureyn mansabkaa
waayo hadii ay xitaa ku helaan doorasho mudo bil gudaheeda ayuu
distoorku shegayaa in Madaxweynaa iyo ku xigeenkiisu sii heynkaraan
xilka ilaa inta lagala wareegayo waa sida uu dhigayo dastuurka
Qodobkiisa 83aad Faqradiisa 3 aad.
kolkaa hadii isagoo xisbi helay doorashada hadana dastuurku uu
sheegayo in qoladii hore ay sii heynkarto mudda bila ,tana waa tu ka
sii fog waayo kursi nin loo doortey nin aan loo dooran loogama
kiciyo ee waqtiga doorashada heysku dheeray nina meel aan laga
kaluumeysana haka kaluu meysanina.
Allaa mahadle
Abdillaahi Nour
hassan
Qahira |
|