Maxaa Sababay Inuu Wariye:C/Salaan Ibraahin Hereri Ka Tago Telefiishanka Caalamaiga Ah Raad TV,isla Markaana Ku Biiro Telifiishanka Universal TV?

 

Wariyaha Codka Dahabiga leh ee reer Somalilanad C/Salaan Ibraahin Hereri ayaa si lama Filaan ah looga dhex arkay Todobaadkan Isaga oo Warka daadihinaya Telifiishanka Caalamiga ah ee Univetsal Tv, ka dib markii uu ka soo wareegay Telefiishanka Raad TV International oo ay xaruntiisu ku taalo Magaalada London.

Sida ay tibaaxayaan Xogo u dhuun daloola Wariye Hereri ayaa sheegaya inay ka tagi-taankiisa Telefiishanka ay ka danbeysay ka dib markii Khilaaf Dhinaca Maamulka ahi Soo kala dhex Galay mulkiilaha Tifiiga.

Si kastaba ha haatee, dad badan oo ka mid ah daawadayaasha Telifiishanka Universal ayaa aad u la dhacay baahinta Cabdi-Salaan Hereri ee Warka ka baxa telifiishanka Caalamiga ah ee Universal TV.

“Inaali-laah Alaylehe Raad TV libaax-baa ka Soo wareegay oo Universal-yimid, waar nagadaa ninku halkan ayauu ku wacnaaye”Sidaasi waxa Yidhi Idiris Xaaji Axmed oo ka mid ahaa dadweynaha Warka Telefiishanka ka baxayey oo dareenkiisa cabirayey.

Imaanshiyaha Weriye Cabdisalaan Hereri ee Telefiishanka Universal TV ayaa u muuqata inay tahay talaabooyin is-bedel lagu Muujinayo oo dhinaca Shaqaalaha Universal TV-ga oo la sheegay in badan-koodu ka Soo jeedaan Gobolada Koonfurta dalka Soomaalia, Waxaanu Cabdisalaan Hereri noqonayaa Wariyihii ugu horeeyay ee ka dhex muuqda Studio-ga Universal TV London oo u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana laga yaaba daadihinta Weriye Cabdisalaan Hereri inuu Telefiishanka Universal TV uu ku kasbado daawadayaal badan oo sida Bunka la cabo oo kale u xiiseeya Cabdisalaan Hereri oo in badan Saxaafada Soomaalidu dhageysato ka dhexmuuqday

Wariye Cabdisalaan Ibraahin Hereri ayaa waxa uu Universal TV ugu Tagay Wariyayaal waaweyn oo iyaguna si-weyn uga dhex Muuqda masraxa Saxaafada ay Soomaalidu dhageysato ama daawato oo ay ka mid yihiin Axmed Xaaji Cag-madhige, Cabdiraxmaan Nadaaro, Iyo Axmed Yuusuf, iyo qaar kale oo badan,

Dadka arrimaha Telifiishanada Soomaali-da ka Faalooda waxay Sheegeen in Raad TV, Si weyn u tabi doono kaalinta uu baneeyey, isla markaana uu ka baxay weriyaha caanka ah ee Cabdisalaan Ibaraahin Hereri,


 


 


Hadhwanaagnews