MAXAA KEENAY IN INGRIISKU MUWAADINIITIISA
UGA DIGO U SAFARKA SOMALILAND ???

Somaliland waxaa loo aqoonsanaa, haatanna loo aqoonsan yahay
dal xasiloon oo nabadgelyo ah oo ka duwan wixii la isku odhan jiray
Somaliya. Hase yeeshee dhacdadani DIGNIINTA INGIR IISKU waxay ka
dambeysay kadib
markii muddooyinkan dambe isa soo tarayey afduubyo lagu
badh-tilmaameedsanayo
muwaadiniita reer galbeedka.
Waxaa xusid muddo dhawayd in dawladda INGRIISKA si weyn loogu
dhalliilay kadib
markii muwaadiniin dalka u dhashay oo la afduubay dabadeedna la
khaarajiyey
taas oo keentay in Baarlamanka INGIRIISKU ku canaanto xukuumadda oo
xitaa loo
yeedhay Raysal wasaaraha Dived Cameron inuu hor yimaaddo golaha si
wax looga
weydiiyo dhacdadaa.
Haddaba arrintani ma aha mid siyaasadaysan oo wax lagu yeelayo
SUMCADDA
Somaliland. Mana aha mid ka dhalatay ama loo nisbeynayo nabadgelyo
darro
ka jirta gudaha somaliland balse waa mid la xidhiidha cabsi guud oo
ka soo koradhay
MANDAQADDAN Afrika.
Waana arrin is caadi ah in waddan kasta marka uu ogaado khatar ku
soo fool leh
muwaadiniintiis in uu siiyo digniin ah inaanay Dalkaa tegin.
Baaqan digniinta ahina wuxu ka dhashay xoggo uu WARDOONKA SIRTA ee
reer
galbeedku ay soo gudbiyeen taas oo dawladduhuna ay ku hawlgelayaan
oo
muwaadiniitood uga digayaan HALISTA ku iman karta.
Digniinta ku saabsan somaliland waxa ka horreeyey oo dhawaan sidaa
si la mid ah
looga digay muwaadiinta Reer galbeedka in ay safar ku tagaan dalka
LIIBIYA.
Wa billaahi Tawfiiq
CALI XARUURI
Holland
|