Maxaa kala qabsaday mudalabkii iyo ninkii
hudheelka soo galay?
 



 

Sidaan sheeko ku maqlay,waxa la yidhi nin baa soo galay hudheel,si uu cunto uga  dalba do,naftiisana u baahi tiro.wuxuuna dabadeed u yeedhay inankii mudalabka ahaa ee  hud heelka ka dhex shaqeynaayey,wuxuuna ku yidhi MAXAA YAALA,wuxu u sheegay isaga oo deg,deg u a akhriyaaya cuntooyinkii kala duwan oo hudheelka lagu hayey.wuxuuna ku sheegay mudalabku luqada ingiriisiga,taasi oo aanu ninkuna aad u aqoonin.ninkii  mar kii uu waxba ka garan waayey waxyaabihii badnaa ee loo sheegay,wuxuu go,aansaday in uu mid uun ku nasiibiyo,tiibaana loo keenay uu ku nasiibiyey. Haddaba siday wax u dhaceen?


Waxa dhacday in ninkii loo keenay nooc cuntoo oo aanu jecleysan,isaga oo xaaladaa ku jira ,ayeyna niman kale soo galeen hudheelkii oo ay weliba soo ag fadhisteen,dabadeed sidiisii oo kale ayey mudalabkii u yeedheen,mudalabkiina wuxu af ingiriisi ku sheegay wixii uu hayey sidii markii hore oo kale,haddaba ileen iyagu waa niman ingiriisaga  yaqaane e,waxay dalbadeen cunto hilib ku jiro,ninkii kalena intaasi hoosta ayuu kala socdaa sida ay wax u dalbadeen iyo waxa loo keenayba.qadar yar kadib nimankii danbe ayaa u  baa hday in kale oo dheeraad ah dabadeed waxay u yeedheen mudalabkii,waxaanay ku  yidh aahdeen “AGAIN”.kadibna mudalabkii ayaa iska dhaqaaqay isaga u fahmay in la  leeyah ay intii hore oo kale ku soo celi,kadibna wuu u keenay

Ninkii kale oo isna la socday siday wax u dhacayeen, ayaa mooday in kalmada again ay tahay hilib,kadibna inta uu mudalabkii u yeedhay ayuu ku yidhi “AGAIN”. mudalabkiina inta uu ka tagay ayuu mid la mid ah rashiinkiisii hore ee aanu jecleysan u keenay.


Intaasi ka dib ninkii ayaa kor u baaday isaga oo ku dhawaaqay miyaanan isku “again” aheyn, ma cadaalad baa sidani



 

 

Abdifataaah Mohamd Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com