MAXAA KALA HAYSTA SHAQO LA AANTA IYO ARDAYDA JAAMACADAHA DHAMEEYA

 

Marka hore ilaahay ayaa mahad leh in la caabudo u sugnaatey.marka xigta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dhalinyarada reer  somalil and ee heeganka ugu jirta kobcinta tacliintooda iyo horumarinta dalkooda, waxaan halkan ugu dirayaa hanbaliyo,salaan iyo dhiirigalin dhamaan bulsho weynta, gaar ahaan bahda jamaacadaha Somaliland waxaan leeyahay horuwada hayaanka aan gaadhno  hiigsigeen ee,Waxaan marka hore odhan lahaa shaqo la'aantu waxey astaan u tahay dib u dhac,marka ay shaqo la'aantu badato dhaqaalaha dalka waxaa soo waajaha hoose dhac aad iyo aad u daran iyo dadka ku nool dalkaasi oo ku noolada nolol aad u diciif ah.hadaba aan iftiimiyo dulucda mawduuceyga oo aan ku eegi doono saameynta ay ku yeelato shaqo la’aantu ardeyda jamacadaha dalka dhameysata oo la kulma niyad jab, marka ay ka baxaan jaamacadaha in ay sidii ay shaqo u heli laahayeen ku fikiraan.si kastaba ha ahaateen waxaa dhacda in ay shaqooyin banaan markay arkaan waxa dhacda in dhalinyaro badan oo waliba aqoon leh ay Cv-yadooda iyo codsiyadooda geyeen meelahaas, iyagoo markaa isbidiya inay yihiin yihiin kuwa ugu haboon shaqadaasi,nasiib daro ma dhaco,waxey kala kulmaan wax ka fog wixii ay ka filaneyeen oo ay ka kow tahay shaqo lagu la yidhi waa inuu qofku sitaa Degree ku taxaluqda shaqadaasi oo ay soo xaraystaan iska daa dad Degree dhamamaystee, dugsi sare aan gaadhin.
 

Marka geela loo direy
Ninkii maqasha daayacey
Ardayguna Dadaalkii
Dugsigii hadduu gabay
Dilluu meel ka haystaa

******

Waxaan daah ka saarnayn
Isagoon Digtoor noqon
Inuu darajo tollan karo
Ama doolar heli karo


Oo ay isku boos u tar tamayaan looga baahan yahay heer jamacadeed.

ta labaad qof aan ku jirin dadkii soo xareeyey shaqada oo la odhanayo wuu ku guuleystey. Ta sedexaad shaqo qofkii shaqeyneyey joogo oo hadana warbaahinta laga xayeysiineyo oo ay ku hugoobayaan boqolaal ka mid jaamiciyihiinta dalka iyadoo aan wax loo sheegey la mariney dhamaan wixii looga baahnaa shaqadiisii si qof loo qaato, marka ugu danbeyso ayaa la soo dhajinayee qofkii meesh joogey ,iyo qaar kale oo aan halkan ku soo koobi Karin waa waxyaabaha keenay in ay ka niyad jabaan kumanaan dhalinyarood oo reer Somaliland.taasi waxey dhalisey in ay ardeydii qaar badan oo ka mid ah maanta fadhiyaan maqaayadaha oo niyad ku dhisaneyaan waxbaa isbedeli doona ee ka dhursuga, halka kuwa kale u huleeleen tahriib iyo ka shaqeeya waxyaabo ka hooseya heerkood aqooneed .

Hadii ay jiraan dhibaatooyinkaa soo waajahay dhalintii dalka waxa u bartey hamigoodii sidaasi ku jabey.iyagoo filayey in ay yihiin hormoodka dalka una heeganka ahaa horumarinta iyo ka qayb qaadashada talada dalka wxii ay fileyeen beenow.

Maxaa ku waajiba qof kasta oo reer s/land inuu u qabto dhalinyarada naftood badaha ku gurtey?hadii aan isku deyo waxaa qof kasta oo reer Somaliland ku waajiba inuu dhiirigali,iyo inagoo isla barbartaaga hiil iyo hooba sidii ay u noqonlahaayeen kuwa ay dhabowdey himiladoodii.

Dhinac kale waxaan odhanlahaa (wax dad deeqaa waa cadli)cadaalad oo ku dhaqantaa waa sheyga ugu qaalisan intuu qof saaran yahay aduunka dushiisa.

Waxa kaliya ee waxaasi aan soo sheegey keenteyna waa cadaalad daro baahsan oo ka jirta hay’adaha calaamiga ah, kuwa dowlada,iyo kanbaniyada dalka qaar ka mid ah, waxaan odhan karaa waa meel dhalinyarad dalkood nacsiiyey.

Waxa muhiim ah in aynu ogaano dhalinyaradu in ay tahay xoog u soo kacey dalkan bedeli doona dadka halkan soo gaadhsiiyey dalka hore uga wadi doon

Waxaan halka ugu mahadnaqayaa maamulka jaamacada hargeysa oo bilaabey dadaal ay ardeydii dhameysa ku siinayaa kooraysyo ay ku kaabaan wixii ay barteen.una balanqaadey in ay geyn doonaan goobo ay ku qaateen tabararo.waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin dhiirigalinta aan dhiiri galiseen argeydii meel iska fadhidey.waan guul aad u soo higeyseen jaamacada

Waxaan rajeyneyaa in ay jaamacadaha kale sidaaasi si la mid ah saameyn doonaa

Guntii iyo gabgabadii waxaan ugu baaqayaa dhamaan bulsho weynta S/land gaar ahaan dowlada,haydaha caalamiga kuwa maxaliga iyo shirkadaha dalku inay dhiiri galineyaa dhalinyarad aqoonyahanada.shaqooyinka ma ay qaadaneyaan cadaalada ku saleeya

 

 

Qalinkii:Ayan A.Jiciir
Hargeysa, somaliland