Maxaa Ka Jiraa Inuu
Ismaaciil Buubaa Ku Biirayo Xis biga Mucaaridka Ah Ee UCID, Se Maxaa
Ku Car qabad Ah Aqoonsi Ay Somaliland Hesho !

Ismaaciil
Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ka soo jeeda
Somalil and, kana mid ahaa xukuumadii ugu horraysay ee ay yeelato
dawlada Somaliland oo muddooyinkan dambe oo dhan u ololaynayay
aragtida ah inay Somaliya iyo Somaliland noqdaan dawlad federaal
ah,markii ugu dambaysayna ahaa wasiir ka tirsan dawlada Soomaaliyana
noqday, oo Wargeyska Saxansaxo khadka telefoonka kula yeeshay
Waraysi waxa uu jawaabo iyo faah-faahin ka bixiyay socdaal la
sheegay inuu Somaliland ku imanayo, sababta uu u imanayo ee ku
dhalisay, inuu ku biiri doono xisbiga UCID iyo in kale, sababta
saldhiga u ah caqabada ilaa imika hortaagan aqoonsiga Somaliland iyo
inuu xidhiidh la soo sameeyey xukuumada iyo in kale.
Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:
S:> Waxa soo baxay warar saxaafada qaar baahisay in aad imanaysid
Hargeysa. Maxaa kugu dhaliyay safarkan?
J:>Safarkan in muddo ah waan ka fikirayay, arrimo badan oo ay ahayd
in laga baaraan degana waan ka baaraan degay, waxaan goostay in aan
dhakhso ugu soo noqdo xaga Somaliland.
S:> Markaa mawqifkaagii hore ee ahaa in Somali wayn lagu helo nidaam
fadaraal ah, ma waxbaa iska badalay.
J:> Walaahi siyaasadu waxa weeyaan in wixii suurto gal ah lagu
shaqeeyo, waxaana cad in arrintaasi sidii aanu doonaynay ee ah
muftaaxa in Xamar la hagaajiyo oo haddii Xamar la hagaajiyo ay wax
waliba hagaagi karaan. Arrintaas ayaa igu soo noqotay oo aan arkay
in aanay sidaa ku hagaagayn, waxaana loo baahan yahay in dhinaca
kale laga eego, ee sida wax suura gal u noqonayaan loo eegi lahaa,
halkii ahayd Xamar buu muftaaxu yaalaa ee aanu inta badan
raadinaynay waxaanu aragnay in aanay suurto gal ahayn in halkaa laga
helayo oo ay tahay in dhinaca kale ee Somalida degan laga eego, oo
ay suurto gal tahay inay ku soo kordhin karaan aaraa cusub oo wax la
is weydaarsan karo, oo aanu xalku Xamar oolin.
S:>Ma keligaabaa safarkan ku imanaya mise dadkii fekerka awalba kula
qabay ayaa kula socda?
J:>Walaahi horta waxaan jeclaan lahaa in dadka raygaa qabaa isu
yimaadaan, laakiin waxaan doonayaa inaanu ku nimaadno ilaa shan qof,
waxaana jirta warqad aanu qornay ninka u fadhiya qaramada midoobay
Somaliya Axmed Walid Cabdala, oo aanu nidhi waxa loo baahan yahay in
dareenka loo jeediyo dhinaca Somaliland iyo Puntland, oo iyaga wax
lala qabto.
S:>Xukuumada Somaliland miyaad la soo xidhiidhay ka hor intaanad
iman mise weli wax wada hadal ah lamaad yeelan?
J:>Way jiraan wasiiro aanu wada hadalnay oo aanu wada xidhiidhnay oo
aanu aaraa is weydaarsanay.
S:>Adigu ma ogtahay in dad badan oo sidaada intay Xamar tageen ku
soo noqday dalka kadibna la xidhay, adigana ay suurta gal tahay in
lagu xidho, inkastoo aanay jirin cid maxkamad lagu soo taagay?
J:>Maya wax alle wax dambiya oo aan galay ma arko, ra’yiga siyaasigu
ma aha dambi sideedaba, aragtiyda siyaasadeed sidaas ayay ila tahay
haddii ay dambi noqoto dunida gabigeeduba dambi ayay ku wada jirtaa
kolkaas.
S:>Waxaad tahay siyaasi weyn oo miisaan ku leh gobolka, dawladii ugu
horraysay ee xukuumada Somaliand waxaad ahayd wasiirkii maaliyada,
wasiirul khaarajiga Somaliya waad noqotay, arrimaha geeska afrika
waxaad ka mid tahay shakhsiyaadka ugu xogta badan leh, Somaliland
aqoonsigeeda caqabada ugu weyn ee hortaagan maxaad u malaynaysaa
inay tahay?
J:>Arrinta ugu weyni waxa weeye sida aynu u caddaynay (ku
dhawaaqistii gooni isu taaga), run ahaana anigu ka mid baan ahaa oo
imika cid ku riixi maayo ama ku eedayn maayo, laakiinse sidii aynu
yeelnay waxa jirey siyaabo laga doorbidayo, oo malaha ka dhowaa
tusaalehaan haddii aynu yeelno sidii loogu fekeray Eritrea ee
arrintooda ay ku dhammaysteen ama la yeeli lahaa sidii dastoorka SNM
ku qornayd oo markaa inta laysu yimaado laga wada hadlo oo laga wada
heshiiyo inaynu laba dawladood kala noqono laakiinse loo galay ee
ahayd ku dhowaaq dhinac keliya ee aan dhinicii kale waxba laga soo
qaadin inay arrintan wax ka qabato, waxaan u malaynayaa arrimahaas
ayaa fiicnaan lahaa laakiinse waxa jirtay khibrad la’aan.
S:>Adigu markaad timaado waxa jirta xan ah inaad xisbiga UCID ku
biirayso maxaa ka jira?
J:>(qosol), xisbiga UCID… ma jiro anigu xisbi aan u ololaynayo oo
aan u imanayaa, laakiinse aniga waxay ila tahay wixii dadku isku
raacsan yahay inaan u hogaansamo, haddii kolkii hore aniga laygu
dhaleecaynayay inaan raygayga iyo waxay ila tahay uun iska watay,
imika waxaan culayska saarayaa oo ay ila tahay in aan u hogaansamo
oo aan ka mid noqdo waxa loo wada dhan yahay ee la isku wada raacsan
yahay.
Wargeyska
Saxansaxo
|