Maxaa Ka Jira Daahir
Rayaale Inuu U Afduuban Yahay Koox Wasiiro Iyo
Xildhibaano Ah?

Maahmaah Soomaaliyeed baa jirta
oo tidhaahda “Rag ka umuliya mooyee dh
ib kastaba soo arag.” Mid kalena waxay tidhaa “rag
waxaan naftiisa ahaynba maaree.” Xaaladda Somaliland maanta
ay ku sugan tahay dhinac waa ka su xul dhinacna waa ka taako,
waana markii koowaad ee qaddiyad noocan oo kale ah dad ay ku
dhintaan. Waxana loo baahan yahay inuu caqliga fiyoobi shaqeeyyo,
waxana habboon in la isweydiiyo maxaa la isku hayaa, jawaabtu waxay
tahay waxa la isku hayaa kursigii madaxweynaha.
Waxa kale oo isweydiinteeda leh yaa gaadhsiiyey kursiga madaxweynuhu
in uu muran galo. Waxa gaadhsiiyey Daahir
Rayaale oo markii ay dhamaatey sh antii sannadood ee la
doortey haddana ku jira sadex sanadood oo muddo dh aaf ah,
dadku waxay isweydiinayaan haddii Rayaale kursiga sii fadhiyo sida
a y doorasho u dhici karto. Hadda ogow la iskuma haysto
musharaxnimada m /weynenimo ee xisbiga UDUB, waxase la isku
hayaa labada mowqif ee kala ah dhammaadkii mudadu xagayga dhibaato
kuma laha waxaanse rabaa anigoo madaxweyne ah inaan tartamo, dhinaca
kalena mowqifkiisu waa markii lagu doortey waxa laguu doortey muddo
cayiman oo shan sannadood ah laguuma dooranin boqornimo abid ah inta
noloshaada ka hadhay adeer waanu kuu dul qaadanay…kuu dul
qaadanay..oo haddana kuu dulqaadanay ee xaggee laga aga
yeedhayaa?
Waannu kuu samirnay oo weliba in
badan iska kaa ururinay adiguna waad soo taagan tahay, waxana
muddadii lagu doortey daalac kugu ah ku dhow aad saddex
sannadood, waxay taagan yihiin mowqif u eg “Awr xamilkii wuu qaadaa,
xadhig qalloocanse ma qaado” distoorkuna kuuma oggola inaad iska sii
afdhido. Akhristoow doodad labada dhinac markeey sidaa kala tahay
haddii aad ka mid ahaan lahayd xeer-beegti arrintan loo saaro soow
markiiba kuumay muuqateen maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “nin
hulaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa” toloow nin kursigii la
isku hayey ku dhagan ee wasiir Cawil hore u sheegay inuu yahay
xabagta isku haysa Somaliland muxuu damacsan yahay cajab! Hashu
maankaygay gaddaye ma maansaar bay laqday” bini aadanku markuu isku
qabto labo qodob oo keliya ayuu ku kala bixi karaa marka laga
hadlayo arrimaha siyaasadda inuu ku kala baxo xeer hore loo dhigtay
oo heshiis lagu ahaa iyo in lagu kala baxo caqliga kiisa fayoow.
Labadaa arrimood haddii la waayo wixii looga gudbaa waa xumaan iyo
inuu meeshaa ka baxay halkii shay ee bini’aadanku uu kaga duwanaa
xoolaha oo ah caqliga. Waxay ila tahay in Rayaale ay ku xeeran tahay
maro boob aan u ogolayn tubta fiican waxana taa u daliil ah;
go’aankii uu ku soo dhiibay furay aasha Golaha Wakiillada,
go’aankaas oo u muuqday mid aannu kala tashan maroboobta ku xeeran
kadibna markii uu dib uga noqday go’aankiisii ay taasi sababtey
dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.
Guntii iyo gunaanadkii, waxaan Daahir Rayaale kula talin lahaa marka
ay xaa laddu adkaato M/weynayashii caalamka soo marey qaarkood
waxay meesh sa ka saari jireen la taliyayaasha waxaanay qaadan
jireen go’aan kama dam bays ah.
Allaah ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Masar Anwar Saadaat
markii uu geeriyooday kadib dabeecadihiisii ayaa wax laga weydiiyey
xaaaskiisii wa xaanay tidhi; “Markii uu qaadanayo go’aan kama
dambays ah waxaa u fadh iisan jirey qol u gaar ahaa oo aanu
inta kale fadhiisan jirin. Markuu qolkaa ga lo waxaan garan
jirey inuu qaadanayo go’aan kama dambays ah, bun waxaan ahayna muu
cabi jirin intuu qolka ku jiro.” Mar la weydiiyey intee in le’eg
ayuu ku jiri jirey qolka waxay ku jawaabtey; “Hadba xaajada uu ka
go’aan qaadan ayo inta ay le’eg tahay ayey ku xidhnaan jirtey
mudada uu ku jiri jirey qolku.
Muddadii ugu dheereyd ee uu
qolkaa ku jirey waxay ahayd 90 miridh, marka as oo ahayd maalintii
uu qatey go’aankii uu kaga dagay Tel Aviv, kana khud badeeyey
baarlamaankii Yuhuudda, Masarna ay heshay dhulkii ka maqanaa oo dhan
oo xataa aanay colaad ku hesheen.
Haddaba, Madaxweyne Rayaale ma leeyahay qol isaga u gaar ah oo uu
keligii bunka ku cabbo marka ay xaaladdu adkaato, goaana ku gaadhi
karo inuu qol kaasi jiro iyo inuu ku shaqeeyo hebeloow maxay
kula tahay la is arki doonee
Cabdirisaaq Suudi Nuur
Hargeysa,4425243.
|