Maxaa
ka jira, Soomaaliya, Puntland iyo S omaliland oo shir ku wada galaya
USA,? Akhri warkan !!!!!!!

Shir ay ku
kulmayaan Puntland, Somaliland iyo DFKMG
Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntla nd.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo uu ka mid yahay wasiir ka
arimaha gudaha Md. Cabdilaahi Axmed Jaamac (ilka jiir), ayaa shalay
oo ku beegnayd maalin Sabti ah soo gaadhay magaalada Washington ee
caasimada Maraykanka. Wafdiga ayaa sheegay in ay u yimaadeen
booqasho la xiriirta martiqaad ay kaga qayb gelay aan kulan
lagu wado in uu dhaco maalinta Khamiista ee bishan June 25 keeda,
shirka a si oo uu soo qaban qaabiyay gudoomiyaha gudiga golaha
Baarlama a nka Maraykanka u qabilsan arimaha Afrika Md. Donald M.
Payne. Shirkaasi oo lagaga wada hadli doona xaalada Soomaaliya iyo
sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada kooxaha xagji rka iyo
Argagixisada.
Kulankaasi ayaa waxaa ka qayb geli doona dhamaan wafuud ka so
cota:
Dawlada Federaalka KMG Soomaaliya oo uu matali doona Wasiirka Ari
maha Dibada Md. Cabdilaahi Oomaar Somaliland, oo uu matali doona
Wasiirka Arimahah Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale
Puntland oo uu ka socdo wafdiga madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.
Shirkan oo noqon doona kii ugu hereeyay DFKMG, Somaliland iyo
Puntland ay si wada jir ah uga qayb galaan, ayaa dad badani indhaha
ku hayaan qaabka uu u dhici doona.
Wafdiga Puntland ayaa sheegay in inta ay joogaan dalka Maraykanka ay
wadahadalo la yeelan doonaa masuuliyiin ka tirsan dalwlada
Maraykanaka, iyaga oo ka wad hadli doona arimo la xidhiidha xaga
iskaashiga iyo sidii ay uga wada kaashan lahaaheen budhcad baddeeda
ka qadhaabata xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Wafdiga Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay la yeesheen shir
qurba joogta Soomaliyeed ee degan Washington iyo nawaaxiga ku dhaw.
Source:
WardheerNews
Posted by
Ali Omer
afraad_4@hotmail.com
|