Maxaa Ka Higleh ?

Xariiqa
kala xadeeye Somaliland iyo Somalia, gaar ahaan Sanaag-Sool iyo
Majeerteeniya waxa la asteeyey Heshiis caalamiya ah oo ka dhaca y
magaalada Rome, Dalka Talyaaniga bishii May 5dii, 1894. Wax muran
xuduudeed ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Majeerteeniya horena
um a jirin, maantana la abuurimaayo oo beesha caalamka ayaa ka
markha ati ah. Kooxdan Xasan Abshir iyo Ismaaciil Buuba horboodayaan
mash ruucan ay la shir yimaadeen mid cuntamaya ma aha e'. Dadka reer
So maliland waxa u dhisan dawlad ay samaysteen, danahooda
dawladda as ay igmadeen ayaa uga wakiil ah, cid kalena u daba
fadhiisan mayaan.
Haddii bulsho weyntii dunido daaweyn karaweydey dabka ka holcaya
koonfurta Somalia, oo raggii hore ugu xusulduubi jirey midnimo
Somaliweyn ee qarannimada Somaliland hadh iyo habeen dibindaabyo iyo
dabin shirqool siyaasadeed doc kasta kaga deyey maanta qirayaan in
dabiibka Walaweyn aanu duleedkeedaba ka durugsanayn, waxa haboon in
dadweynaha reer Somaliland, shicib iyo dawladba ka digtoonaada
xeeladaha koonfur weli laga soo maleegayo ee loo adeegsanayo dad
isir ahaan Somaliland uga soojeda.
Tan manta loo ololeynayaana waxay dusha uga muuqataa ama loo
ekeysiinayaa in xal u helidda koonfur Somalia lasoo dedejinayo hase
ahaate marka loo dhabo galo qorshaha dhabta ah ee haloosigani hoosta
ka xarriqayo waxa meesha ka hig lihi waa hab dhaqankii horeba loogu
hungoobay oo hadda shaadh dhaqaale loo soo tolay lana damacsanyahay
in lagu damiyo kaaha Somaliland kabiga ku soo hayo. Gacantii
shisheeye ee horeba dhibta koonfureed kowda uga ahayd ayuunbaa
maantana halkii weli ka miisaysa e' marnaba Soomaali koonfureed kama
go'na in xasilooni darrada dalkooda ka jirta xal kama dambeys ah loo
helo.
Wejiga keli ah ee shaxdani kaga duwantahay kuwii hore ayaa ah in la
dhibta Somalia lagu maxlalo qorshe siyaasadeed seddex geesood ah, oo
u qeybsan: Somaliland, Majeerteeniya, iyo Somalia! Sebiga iyo
dhallankuna waa garan karaan in aan buushbaashkan cidna loo
hadoodili karin. Waxa meesha la isku maaweelin waa majaajiladii
habar dugaag ee duugoowday. Marka u horeysa waa in Soomaali
koonfureed qirtaa in laba dal la ahaa, imikana labadii la yahay;
taasina waxay dhici kartaa marka dowlad koonfureed oo mid ah oy
dhammaantood heshiis ku yihiin ay iskood u sameystaan iyagoon gacan
shisheeye hadba dhinac u hagayn.
Waxa la seddex geesoodeynayaa waa qowlaystadii Majeerteeniya oo dhul
iyo cirba qaadi la'yihiin [Daaqat Calahum Ul Ardu bimaa raxubat] oo
doonaysa qiil ay kaga xuubsiibato Koonfur inteeda kale ka dibna u
noqoto dawlad iskeed u madaxbannaan, mustaqbalkana damacsan in ay
Somaliland la midowdo.
Mashruucan seddex geesoodka ihi waa maxlal iyo maqaarsaar uu dabada
ka riixayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
Somaliland/Somalia Md. Axmedow Weled Cabdallah iyo dalal shisheeye
oo dano gaar ah ka leh dhibaatada Somalia ka aloosan, waana hab
lagula dhaqmo ummadaha xasilooni darradu ragaadiso [Strife Torn
Societies], marka wax kale lagala caal waayo. Sideed iyo tobankii
sannadood ee u dambeeye adduunweynuhu hanti laxaad leh ayuu ku
bixiyey soo afjaridda halaaga koonfur Somalia ka taagan; nasiib
darro waxay noqotay in aan wax guul ah weli laga gaadhin.
Hadaba manta oo aynu ogsoonahay in deeq bixiyeyaashi hodanka ahaa
iyaga laftarkoodii uu ku habsaday daqaale burbur ka xun kii dunida
aafeeyey 1929. Dhammaan Dalalkii daqaalohoodu xooganaan jirey waxa
jirta in waxsoosaarkoodii hoose u dhacay, shirkadihii halbowlaha
dhaqaalaha ahaa iyo Bangiyadi ugu waaweynaa ayaa dowladohoodii
weydiisanayaa deyn si aanay u kicin. Waxa kale oo aynu ognahay
heerka shaqo la'aantu dunida ka mareyso. Arrimahaasina marnaba ma
saamaxayaan in dhaqaale horumarineed oo seddex meelood loo qeybsho
wixii hore la isugu odhan jirey Somalia caalamku u fidiyo. Haddaba
xaqiiqada dhabta ihi waxa weeye dowladihii wax gargaari jirey mid
waliba deyn ayey muquuratay oo wax ay cid kale u hidin karaan ayaaba
iska yar e' yaan waxba hadhuubyo madhan la is hor qaadin; waxba yaan
la is maqashiin badoo noqotay maadh baa la soo faruurayaa.
Xildhibaanada ka tirsan maamulka wadaad Shariif ee dhalasho ahaan
Somaliland ka soo jeedaa abbaan iyo turjumaan labada dal isaga
dabqaada marnaba iyaga meeli ugama bannaana mededaaladan cusub.
Raggii Somaliland hore uga fallaagoobay manta hormood kama noqon
karaan xalinta kalaguurka Somalia iyo Somaliland ee waxa la gudboon
in ay halkooda ku qalajistaan; haddii ay dowladda Somaliland cafis
weydiisanayaan waa halkeeda, lakiinse yaan shaadh kale la isu soo
gashan. Qaabka iyo xiliga Somaliland laa xaajoondoonto Somalia waxa
ka mas'uul noqonaynsa xukuumadda Somaliland taladeeda haysa, cid
kale se meesha qiil ugama bannaana e' waxba yaan la xuurtoomin.
Waa marka labaade lixdankii laba dal oo madaxbanaan ayaa midnimo aan
sharciyadeedu xalaalaysnayn meel la isugu geeyey. Midow ku sheegaa
wixii laga dheefsadayna ummadda Somaliland ku dhaqan cidi uga
waramimayso. Maanta midnimo Soomaaliyeed oo dib loo soo yagleelayaa
ma jirto e' wixii lama huraan ah iyo sidaa labada dal loo kala
furdaamin lahaa ha laga hawl galo; dhibtii dhacday cida loo raacayo
ee daanya qaadka ka noqonaysa. Xalka kelya ee wakhtigan xaadirka ah
ama mustaqbalkaba laga wada hadli karaa waa kala guurka labada dal.
Wixii intaa ka dambeeyana waa deris wanaag iyo laba dal oo walaalo
ah.
Wa taciyahaa udunun waaciya,
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
asabeyse@hotmail.com
|