Maxaa ka hadhay
xubnihii gudiddii fulinta ee xisbiga kulmiye?!

Ma aragtay muranka dahsoon ee uu Kulmiye ku heshiin la'yahay,
hogaaminta iyo hagidda mabaadi'da siyaasadeed ee Xisbiga Dhexdiisa?
Ma isweydiisay sababta wakhti kasta ay xubnihii miisaanka lahaa
Kulmiye uga dareerayaan xisbiga?
RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC.
Ilaahay baa mahad leh, nebigeenii suubanaa naxariis iyo nabadgelyo
korkiisa ha ahaato. Intaa ka dib.
Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay dildilaaca
siyaasadeed ee sida tusbax furmay uga socda gudaha xisbiga
Mucaaradka ah ee Kulmiye?, Ma aragtay muranka dahsoon ee Kulmiye ku
heshiin la’yahay, hogaaminta iyo hagida mabaadii’da siyaasadeed ee
Xisbiga dhexdiisa?, Ma isweydiisay sababta wakhti kasta ay xubnihii
miisaanka lahaa ee Kulmiye ku tabcay uga dareerayaan xisbiga?,
Maxaase ka hadhay guddidii fulinta ee xisbiga talada u goyn jirtay?
Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee
maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan, bal ii yara kaadi
aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray
xisbiga Kulmiye iyo baarqabyadii miisaanka lahaa ee xisbiga u sahlay
inuu si dhib yar uga soo mudh baxo ururadii badnaa ee siyaasada.
Nasiib darro baarqabadaasi haddii aynaan taariikhda been ka sheegayn
may helin abaalkoodii, waxay ku tacab khasaareen dadaalkoodii..
Waxaana dhicisowday himiladii ay la damacsanaayeen inay Xisbiga
Kulmiye gaadhsiiyaan, taasoo ay markhaati u tahay qaabka aan
xilkasnimada lahayn ee hogaanka xisbigu ula dhaqmay, iyo sifooyinka
casabiyadnimo iyo kalitalisnimo ee uu ku ababiyay xubnihii golaha
dhexe ee xisbiga ku jiray.
Taasi waxay horseeday in sidii tusbax furmay ay ruug cadaayadii
xisbigu mid mid uga dareeraan habeen madaw, bal maskaxdaada dib u
celi mee gudoomiyihii gobolka Hargeysa ee xisbiga Kulmiye Cismaan
Cabdillaahi Cigaal (Hindi)? oo isagu shirweynihii labaad ee xisbiga
u taagnaa musharaxa madaxweyne ku xigeenka, muxuu kaga dhiidhiyay
inuu sii joogo? Bal dhadhanso ereyadii uu sida cad uga dhawaajin
jiray intaanu xisbiga ka bixin ka hor ( Distoorka halagu dhaqmo,
xeerka xisbiga dib ha loogu noqdo, qabyaaladda iyo kooxaysiga hala
iska daayo ), ereyadaasi waxay ahaayeen digniinihii faraha badnaa ee
cismaan-hindi ku celcelin jiray isaga oo ay u muuqatay cawaaqib
xumada ka dhalan karta haddii aan nidaamka iyo shuruucda xisbiga la
raacin. Cismaan Hindi waxa uu ahaa tusaalihii koowaad ee ay ku
daydeen ragii kale.
Maxaa u cuntami waayay?
1. Muj. Abdiraxmaan Aw Cali oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore,
una taagnaa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye, hadh
cadna iskaga dhaqaajiyay markii uu arkay cadaalad xumo iyo wax
isdaba marin
2. Dr. Axmed Xuseen Ciise : oo ahaa musharaxii madaxweynanimada ee
xisbiga u taagnaa shirweynihii labaad, sidoo kalena ahaa xog hayihii
hore ee arrimaha dibada ee kulmiye.
3. Cabdirisaaq Ciyaalle: Gudoomiyihii golihii dhexe ee hore isla
markaana ka tirsanaa xubnaha firfircoon ee Gudida fulinta
4. Prof. Siciid Axmed Xasan: Xubin firfircoon oo xisbiga ka tirsanaa
balse damiirku siin waayay inuu sii joogo. Prof. Siciid waa
gudoomiyaha Jaamacadda Golis oo ku taalla magaalada Hargeysa.
5. Xil. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi: miisaan culus oo ka
baxay gudida fulinta. Xil. Maxamed waa gudoomiyaha guddi hoosaadka
dhaqaalaha ee Golaha wakiillada.
6. Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne): Mujaahidkii
mujaahidada,
7. Xasan Kooshin: Maskaxdii garabka isbedel doonka xisbiga Kulmiye.
8. Deyr Maxamed (xiniinyo dheere) oo golaha guurtida hortooda ka
hanjabi jirey isagoo halhays u lahaa inuu beerka iyo kelyahaba
Kulmiye ka yahay.
9. Doctor Cabdi Aw Daahir oo ay ku dhacday "meeshaa maroo muuqaa
lawaa" Markuu kulmiye ku biiray ayaa sumcadiisii siyaasaddu
geeriyootay. Hogaanka kulmiyena markay arkeen inaanu dad iyo
duunyotoona soo kordhinayn muraayadaha ka dalacday.
10. Iyo Mujaahid Cali guray oo ah xubintii ugu danbaysay ee
damiirkiisu siin waayay inuu sii joogo gegida lagaga dareeray, ku
darsoo waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Kulmiye dhidibada
u taagay balse uu hogaanka xisbiga Kulmiye ka soo dhawaystay xubno
aan hore uga mid ahayn xisbiga.
Isku soo wada duuboo isweydiintu waxay tahay side ayay umadda
xasilooni raadiska ah ee reer Somaliland ugu aamini karaan
masiirkooda xisbiga siyaasadiisu jahawareersan tahay, een isagoon
weli dhalan kelitalisnimo astaan u noqotay?
Shacabka Reer Somalilandoow mustaqbalkaagu gacantaaduu ku jiraa.
Alle ka sokow.
Wabilaahi Tawfiiq.
By: Jaamac Ducaale
|