Maxaa Doorashadan Hor Taagan?

 

Riyaale Somaliland Waxa Uu Ku Wadaa Halka Xamar Maanta Taagan Tahey


Weli miyaad maqasheen Riyaale oo leh intaas oo doorasho ayuu CADAMI inaga saaray? Jawaabtu waa MAYA. Waxase aad had iyo jeer  maqas haan Riyaale oo ku manna sheeganaaya intaasi oo doorasho ayaan  qab tay! Inta doorasho ee uu ku fashilmay inuu qabto weli miyuu sheegay.

Jawaabtu waa MAYA. Taasi hoos ayaan ku naqdiyi ee aan ku horeeyo qormadan waxa igu kalifay. Waxa igu kalifay in aan shacbiga werwersan la socodsiiyo geedi-socodka doorashada madaxweynaha ee loo  qoonde eyay September 27, 2009 halka ay mareyso. Inta aanan qodobeyn halka wax marayaan waxa aan ka horeysiinayaa baaq culayskiisa leh:


Somaliland Aabaheed ayey fuudka la cabi sidaa Xamar haddii  doorasha daasi mar danbe dib u dhacdo. Riyaalow adna kursiga dib ugu sii fadhiyi maysid mucaaridkana calfan meysid, shacbigawna nabaddu way ciirciiri ee ku tala-gal. Xume sahadin maayo waxaase aan ka sii affeef  dhigan ayaa kana sii digayaa garriirka lexaadka leh ee Somaliland ku iman kara jirritaankeedana gilgili kara haddii doorashada xiligii loogu talogalay ku qabsoomi weydo.


Haddaba qormadan waxa aan ku naqdiyayaa



a) Doorashadii maxaa hor taagan

b) nidaamkan cusub (cutting edge) yaa inoo keenay ma cid baa se inagu khasabtay

c) xubnaha komishanka haddii qaar la bedelo imika miyaanay taasi doorashada dib u rididayn

d) Serverkii goorma ayuu wax soo saarayaa waxa uu soo saarayo ma yihiin wax lagu qanci karo

e) Lacagtii mala shubay

f) Shurruudihii deeq bixiyeyaashu maxay aheyd

g) Maxaa la dhameystiray maxaase dhiman

h) Cannaanta iyo caga jiidka yaa iska leh

i) Jaafaa-jirriqa Somaliland caalamku ma u dabranaanayaa

j) Qabashada doorashada iyo kharashkeeda yaa ka mas’uul ah

k) Dadka qaarkood codkooda ma waayi karraan iyo gebogebo


Doorashadii maxaa hortaagan?


Doorashada waxa hor tagaan inay wakhtigeedii ku qabsoonto ina  Riya ale. Riyaale waxa uu u ololeynayaa in heshiisyadii la wada galay iyo shuruudihii deeqbixiyeyaashu aanay hirgelin. Waxa ka mid ah arrinta komishanka oo la isla meel dhigo. Deeqbixiyeyaasha iyo dad kale oo badaniba waxa ay aaminsan yihiin in komishanka maanta joogaa aanu tayo uu doorashada inagaga saari karo laheyn. Sidaa awgeed  deeq bixiyeyaasha waxa ka go’an in aanay kharashka bixinayn iyada oo komishanka wax weyn laga bedelo mooyaane.


Arrinta labaad ee doorashada hortaaganina waxa weeye UDUB oo diidan gudida xeerbeegtida (arbitration committee) ee ajnabigu ku jiro ee loogu talagalay in ay go’aan ka gaadho wixii la isku qabsado. Gudidaasi oo ah ta caddeyneysa in doorashadii si xor iyo xalaal ah u dhacday iyo in kale. Waxba fa’iido kama aha haddii aynu doorasho galno oo caalamku aqoonsan waayo saw hal bacaad lagu lisay ma aha.


Nidaamkan cusub ee dhaka-faarka ah (biometric) yaa inoo keenay?



Alifka Alxamdu kaaga qaloocda Albaqra ayuu ku dhibaa. Hadal iyo dhamaantii waxa nidaamkan dhakafaarka ah (complex) ku adkeystay komishanka.


Markii komishanku go’aansaday in la is diiwaangeliyo waxa la soo diray khabiir ka soo taliyay nidaamka ku haboon diiwaangelinta Somaliland. Khabiirkii markii uu indha-indheeyay qiimeyna ku sameeyay xaaladda horumar ee Somaliland ka jirta waxa uu soo jeediyay in nidaamka Somaliland ku habooni uu yahey midka ugu fudud oo ah in la isku diiwaangeliyo qalin iyo waraaq (paper system) lagana dheeraado ka ku saleysan kombuyuutarada iyo tiknoolajiga cusub. Hase yeeshee komishanka ayaa ku adkeystay in ka casriga ah la qaato. Waxa maanta ina xanuujinayaa waa alifkii allxamdu inagaga qaloocday. Canaanteedana komishanka ayaa iska leh cid kalana lama wadaagto ee taa hala ogaado


Xubnaha komishanka haddii maanta la bedelo doorashada ma sahayan doontaa?

Iyada oo gaaban jawaabtu waa maya. Aniga oo aan hoos u dhigeyn shaqada komishanku qabto qadarinaayana culeyskeeda iyo ahmiyada ay xasiloonida iyo himiladeenaba u leedahay haddana fikirkaygu ma aha shaqo u baahan aqoon heer sare ah. Intaa waxa dheer ma aha shaqo u baahan tababar (training) khaas ah waxaase ay u baahantahay khibrad iyo waayo aragnimo qofku ku qiimeyn karo hadba xaaladda taagan go’aan waayeelnimana qaadan kara.


Sidaa awgeed xataa haddii toddobada xubnoodba maanta la bedelo iska daa qaarkoode ma aha wax doorashada dib u ridi kara. Maxaa u daliil ah? Maalin dhaweyto xubin cusub (Xasan Hoori) ayaa komishanka ku soo biiray wax tababar ah oo uu u baahdeyna lama sheegin. Markiiba wuu la qabsaday waayo khibradii maamul ee uu hore u lahaa ayaa ku filnaatay. Mida kale komishankan maanta jooga shaqadii adkeyd (technical aspect) ee ay qaban lahaayeen waxa qabta INTERPEACE. shaqada waxa wada INTERPEACE komishankuna waa magac u yaal aan gacanta waxba ugu jirin. Markaa doorashada ayaa dib u dhaceysa haddii komishanka qaar la bedelo waa dacaayad loogu tala galay in shacbiga lagaga baqadsiiyo


SERVER-ku goormuu wax soo saarayaa, maxaase dib u riday?



SERVER dambe oo lagu marmarsoodaa maanta ayey hadhay. Maanta oo ay bisha July tahay sagaal (09/07/09) sida ay inoo xaqiijisay INTERPEACE, SERVER-ku waxa uu liistadii dadka is diiwaangeliyey soo saarayaa kama denbeys bisha July 27, 2009 hadaanay kaba soo horeyn. Sababaha SERVER-ku liistada ula raagay waa dhawr, waxa se la odhan karaa waxa ugu weyn iyadii oo lagu kordhiyay astaanta wejiga (facial recognition) markii la ogaaday dadkii is diiwaangeliyay in aan 52% fara laga qaadin. Haddii aan sidaa la yeelin waxa dhici laheyd tiro ku dhaw 700, 000 oo qof in laga tago. Mar labaad cannaantaa waxa iska leh komishanka iyo ciddii uu shaqada u dirtay dadkii qawaaniinta ku tunteyna weli qofna lagama ciqaabin.


Lacagtii weli ma la shubay?


Weli murran ayaa ka taagan in saamigii xukuumadda oo ahaa 25% (hal million oo dollar) la shubay. waayo shuruuda ku xidhneyd waxa ay aheyd in lagu shubo akawnt (account) u gaar ah (dedicated) oo bangi madaxbanaan ah oo markasta hanti-dhawr lagu sameyn karro. Hase yeeshee xukuumaddu waxa ay leedahay waxa aanu ku shubnay akawnt (account) bangiga dhexe ah. Taasi runtii waxa weeyaan xukuumaddu ma ogola hantidhawr ajnebi ah in xisaabaadkeeda la geliyo. Horena waxa u dhacday in ay xukuumaddu saami hore ugu soo qeybay markii jeegii bangiga la geeyay lacag laga waayey. Deeqbixiyeyaashu waxa ay aaminsan yihiin in aan weli lacagtaa la shubin


Shuruudihii deeqbixiyeyaasha (donors) maxay ahaayeen?


Qodobada ugu waaweyni waa kuwan:


a) In Xukuumaddu saamigii kaga qeybay miisaaniyadda doorashada oo ahaa hal-million oo dollar ay ku shubto akount(account) gaar ah (dedicated) kuna shubto Baan madaxbanaan oo la hubin karo

b) In la sameeyo guddi xeerbeegti ah oo madaxbanaan (arbitration) oo uu ku jira hal qof oo khabiir ah oo ka socda deeqbixiyaasha

c)In la dhameystiro xeerka anshaxa

d)In la wada aqbalo natiijada ka soo bixi doonta SERVERKA d)in arrinta komishanka laga wada heshiiyo


Maxaa shuruudihii deeqbixiyaasha ka hirgalay?



Waxa ka hirgalay waxaan buurneyn oo ah natiijada ka soo baxda SERVERKA oo saddexda xisbiba wada aqbaleen. Waxa lagu muransan yahay in Xukuumadda saamigeedii shubtay iyo in kale. Xukuumaddu waxa ay leedahay waxa ay ku shubtay bangiga dhexe ee Somaliland. Bangiga Somaliland xisaabaadka ku dhaca xukuumadda uma ogola in ay cid dhexdhexaad ahi hantidhawr ku sameyso (audit). Waxa kale oo ay diidan tahey xukuumaddu in ay lacagta u xawisho (transfer) bangi dhexdhexaad ah sida Dahabshiil iyo kuwa la midka ah. Markaa xukuumaddu ma tixgelin shuruudii deeqbixiyeyaasha ee ahayd in account gaar ah oo bangi madaxbanaan lagu shubo. Horena waxa u dhacday in xukuumaddu balanqaad kan la mid ah sameysay markii jeegii (check) bangiga la geeyeyna lacagtii laga waayay


Waxa aan weli la dhameystirin saddex qodob oo muhiim ah:


a) in la isla qaato xilka iyo awooda ay yeelaneyso gudida xeerbeegtidu iyo wakhtiga shaqadoodu ku egtahey


b) in la isla eego siddii tayada komishanka kor loogu qaadi lahaa – oo loo turjuntay in xubnaha komishanka wax laga bedelo iyo


c)in la wada saxeexo xeerka anshaxa doorashada.


Qabashada doorashada iyo kharashkaba yaa ka masu’uul ah?


Weli miyaad maqasheen Madaxweynaha oo leh intaasi oo doorasho ayuu CADAMI inaga saray ama inoo qabtay? Jawaabtu waa maya. Waxa se aad had iyo jeer maqashaan madaxweynaha oo ku manna sheeganaya intaasi oo doorasho ayaan qabtay! Marka hore Doorashada qabashadeeda waxa ka mas’uul ah madaxweynaha ee komishanku CANNAAN amba AMAAN hadba kay muteystaan uun buu ku leeyahay.


Doorashadii madaxweynuhu HAL jeer ayey inoo qabsoontay LABA jeerna way inoo qabsoomi kari weyday. Taasi in ay tahey mid la isugu abaal-gudo iyo in kale shacbiga ayey u taal.


Kharashka doorashada yaa mas’uul ka ah?


Waxa ka mas’uul ah xukuumadda waana in miisaaniyadda lagu daro oo ku tala gal loo sameeyo ee ma aha in la isku haleeyo deeqbixiyeyaasha. Xukuumaddu maxay yeeli lahayd haddii aanay INTERPEACE kharashka soo helin? Wax ku xidhan mucaaridka oo doorashada hakin kara ama dib u dhigi kara oo aan aheyn in ay si nabadgelyo ah u ololeeyaan kuna codeeyaan ma jiro. Sidaa awgeed qabashada iyo kharashkaba deeqbixiyeyaashu kama mas’uul aha ee waxa ka mas’uul ah xukuumadda. Xukuumadduna waa in ay u mahadnaqdaa INTERPEACE iyo deeqbixiyeyaasha.


Dadkii is diiwaangeliyay qaarkood liistada ma laga waayi karaa?


Haa oo waa laga waayi karaa sababo kala duwan awgood, hase yeeshee tiro buuran ma noqon karaan waana wax loo dul qaadan karaa (tolerable) marka si cilmiyeysan loo eego (statistically speaking).


Caga jiidka iyo jaafaa-jiriqa Somaliland deeqbixiyeyaashu ma u adkeysan karaan?

Jawaabtu waa maya. Laba jeer ayey doorashadu dib u dhacday markastana miisaaniyadii way is bedeleysaa. Xiligan aynu ku jirnaa waa wakhtigii xagaagga (summer) dadku fasax u wada baxayeen. Haddii aan sida ugu dhakhsaha badan go’aan looga gaadhin arrimaha inaga qabyada ah muddo dheer ciddi is haleeli meyso waxaana dhici karta in deeqbixiyeyaashu isbedelaan lana noqdaan deeqdii ay inoo soo fidinayeen.


Yaa cagaha jiidaaya?


Xukuumadda ayaa hadba cagaha jiidaysa iyada oo cimri dherer ka  dhig aneysa. Ugu horeyn nimanka metela UDUB ma aha niman wax goosan kara ee waa niman dibadda laga maamulayo (remote control). Markaa wakhti ayey qaadataa inta ay go’aan qaadanayaan. Mar labaadka  shur uudihii deeqbixiyeyaasha xukuumaddu way diidan tahay in ay hirgeliso. Go’aanada guddida dhexdhexaadinta ee Riyaale inkasta oo uu  saxee xeedii diiday haddana ku balan qaaday in uu aqbalay ilaa maanta waxba kama hirgelin. Mucaaridku iyaga ayaa mar walba tanaasulka sameeya. Mididda daabkeeda xukuumadda ayaa gacanta ku heysa.


Gebogebo



Riyaale Somaliland waxa uu ku wadaa halka Xamar maanta taagan tahey ee Illaahay ha inaga samato saaro.


Waxa aan ka affeef dhiganayaa in fikirkani aniga igu kooban yahay loona nisbeyn karrin xisbiga KULMIYE.




Cali Guuleed (Cali Maarshaal)