Maxaa dan ah, maxaa daran ah, dabkay doonto ha ku laashee?
Hamud Duale

Aragtidii goosashada Somaliland ee aan taladeeda la ruugin, Lagana
fiirsan, way khali d uureysa. Dabar iyo hogaan ma leh. Waxay ku soo
gabagabawde, markii talada loo dhiib ey, hogaamiyihii ugu mudada
dheeraa iyo kornayladiisii ururkii beelaysnaa; hubaysnaa ee SNM.
Coofaadhadii, dartood doobabka loo wadhay, hadday dib u
adeegsanayaan, wi xii laga dagaalamay, jilibaduna la kala safanyiin,
wax isdoorshey may dhicin, waa kaanu, maanuu.
SNM way ku adkaatay dagaalkii qoriga iyo duminta ee fududaa, laakiin
kumay guuleysan dagaalkii siyaasada ee qadhaadha iyo qaran
hogaamintii. Kii jirey way dumiyeen, ku kala na dib looma arag, kay
ku dhawaaqeena, burburkiisii qarkuu saaran yahay, oo wixii dam al, oo
dameer leeg, ayaa Ilaahay ku soo daayey.
Sedexda xusbi qaran, waa isma dhaanto iyo dhagaya xun. Qadhaab bay
ku tartamayaa n loo marayo qabiil awr lagu ku kacsado, hadhawna
waxaad doonto yeel ah. Isma aragti dhaammaan. Waa dameer iyo
labadiisii daan. Waa dhallaan habaabis iyo hoosiis. Gudcur
moogagaala weeyaan, aragtii gabta ahayd ee hore loo eeday ee loo
dagaalay. Xagu gebi, xaguna gebi, aan lahayn gun lagu hirto weeyan.
Haddaba, ummad yahay intaad dirsooca iyo aragtida gabta ah laga baxo,
ma isweydiina a maxaa dan ah, maxaa daran, dabkay doonto ha ku
laashee?
|