Mawqifka ku waajahan muranka iyo ismarinwaaga ka dhex jira golaha wakiilada Somaliland

 



Taageerayaasha xisbiga WADDANI laanta Ottawa waxay soo jeedinayaan in dalka iyo dadka re er Somaliland labaduba u baahan yihiin in loo tudho, lana dhawro deggaanshaha dalka,loona ba ahnayn qas iyo qallaanqal dalka ka dhaca, kaasi oo ayna ummaddu ka soo waaqsan Karin haddii u dhaco,sidaa darteed waxan marlabaad soo jeedinaynaa in golaha wakiiladu noqdo gole waxq abad iyo wadashaqeyneed kuna sifoobaan arrimahan hoos ku xusan:

1. Golaha wakiilada Somaliland wixii khaliaaf ah dhexdooda ha ka dhammaystaan,hana isku tana asulaan, hana istixgeliyaan,wadajirna dalka ha ugu shaqeeyaan.
2. Golaha wakiilada Somaliland ha muujiyaan biseyl siyaasadeed.
3. Golaha wakiilada Somaliland ha ka horeysiiyaan danta dalka iyo dadka dantood gaar ahaaneed.
4. Golaha wakiilka Somaliland ha ka foojignaadaan ku millanka golaha xukuumadda.
5. Golaha wakiilada ha ka tagaan shaqo dhaxal gal ah oo ku dayasho leh.

Sidoo kale waxan golaha xukuumadda u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan arrimahan foosha xun ee ay faraha kula jirto:

1. Golaha xukuumaddu ha ka waantoobo faragelinta joogta ah ee ay ku hayaan golaha wakiilada.
2. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo u adeegsiga hantida ummadda kala-qeybinta xubnaha golaha wakiilada.
3. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo xadhiga,cabudhinta, cagajugleynta, iyo xaalad abuurka ay ku hayso ummadda SL.
4. Golaha xukuumadda ha ka waantoobo hantida xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo qeybinta ummadda.
 


Allaa Mahad leh,
Gudida xisbiga WADDANI
Laanta Ottawa
Xoghayaha: Eng.Mohamed Abdillahi Nur
Afhayeenka : Mohamed Abdi Haji Ali