MATAANAYNTA BERBERA & OODWAYNE “ TWIN OLD CITIES” : MAYOR CIDIN IYO MAYOR XOOG.

 


Berbera iyo Oodwayne waa magaallooyinka ugu facawayn Somaliland. Waxa qarn iyo badan ka dhexeeyay xidhiidh sokeeye, ganacsi iyo dhaqan –dhaqaale . SAAXIL waxa laga soo dejin jiray badeecad ganacsi sida timirta, dharka, irbadaha iwm. Waxa lagu soo qaaday jira awr loo yaqaanay “ Kabadhe Iidoor “. Waxa lasoo mari n jiray Cadaadlay, waxaana loo gudbin jiray Oodwayne oo ahayd xarunta ganacsi ee ugu wayn badhtamaha Somaliland.Waxa degganaa ganacsato waawayn oo u badan Carab & Hindi. Waxa hawdka iyo Ogaadeenia laga keeni jiray Subag, Baal goray, Mal-mal, Gadh ceesaan, xabag iyo aloobo kale oo loo dhoofiyo dibedda.

Magaca Iidoor wuxuu soo baxay muddo lagu qiyaasi karo 1870, oo ku beegan waq tigii uu Mataan Ciideed dacay safar uu lahaa nin la odhan jiray Wacays Xirsi .Safar kaas oo ka yimid Berbera, siina maray Oodwayne, ayaa waxa lagu dhacay deegan ka Ciid ee Carro ogaadeen. Waxa laga tiriyay suugan iyo sheekooyin badan.


Hadaba xiriirkaas soo jireenka ah, waxa soo nooleeyay Mayor Cabdishkuur Cidin” Berbera “ iyo Mayor Cabdixakeem Nuur “ Xoog “ Oodwayne “ oo ah labada Mayor ee ugu fir-fircoon uguna wax-qabadka badan geyiga “Somaliland “. Waxa dhawaa n Oodwayne laga hirgeliyay dhawr waddo oo laami ah, oo uu gacan wayn ka gays tay “Mayor Cabdishkuur Cidin”.Haddii aanu nahay Qurbjooga Somaliland waanu ha nbalyaynaynaa iskaashigaas. Ciddin iyo Xoog waa laba Mayor oo ku dayasho iyo amaan muddan.

 


Ali Ibrahim, Baqdaadi, Toronto