Masuulka ugu sareeya Jaamacada Fairland University Oo ee Wadanka Uganda Socdaal ku yimid Somaliland

 



Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Jaamacada Fairland qaybteeda ku taala Dalka Ugand Prof: Sala mon Wakabi ayaa maanta ka soo degay Madaarka Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal Internati on Airport.

Guddoomiyaha Jaamacada Fairland laanteeda ay ku leedahay Somaliland C/samad Ciise oo ka h adlay Ujeedada Socdaalka Masuulkan ayaa sheegay in ujeedadaSocdaalkiisu la xidhiidho sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Masuuliyinta Jaamacada uu Guddoomiyaha ka yahay u qaabilsan laanta ay ku leeyihiin Somaliland.



Guddoomiyaha Jaamacada Fairland Qaybteeda Somaliland C/samad Ciise oo ka hadlaya ujeeda da Socdaalka Masuulkan iyo Kulamada uu yeelan doono inta uu Dalka Joogo waxa uu yidhi

“Waxa noo yimid wefti culus oo ka yimid Wadanka Uganda oo ah Ninka ugu sareeya Jaamacada Fairland ee Dalka Uganda, magaciisuna waa Dr. Salamon Wakabi, marka waxa u nala joogi doona a Wadanka sidaanu ku wadno ilaa Bisha 29-keeda, sababta uu Wadanka u soo booqday waxa ka mid ah in uu ogaado Nabadgelyada Somaliland ka jirta, waxaananu doonaynaa sidii loo xidhii dhin lahaa labada Wadan, waxaanu dejin doonaa Maansoor, maantana waxaa Qado Sharaf u sa meyn doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro), dhawrka cisho ee uu Wadanka joogo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiin kala duwan, sidoo ka le waxaanu rajaynaynaa in uu Dugsiyada Sare qaarkoodna la kulmo, maalinta Khamiista ahna Xaflad ayaanu u samayn doonaa, waxaanu doonaynaa in aanu Sariflayaasha soo marino”


Axmed Shaqale