Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Laamaha Aminga SOMAL ILAND Oo Jabuuti
Looga Yeedhay Iyo Ujeeddada Lala Xidhiidhinayo
Hargeysa (TNN):-Masuuliyiinta ugu saraysa Amniga Somaliland ayaa shalay
u dhoofay Dalka Jabuuti, kuwaas oo uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha
gudaha Cali Maxamed Warancadde.
Saraakiisha Amniga Somaliland ee shalay u dhoofay dalka Jabuuti wax
aka mid ahaa Tali yayaasha Booliiska iyo Sirdoonka C/laahi Fadal
Iimaan iyo Jaamac Maxamed Bootaan iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee
Qaranka Xasan Axmed Aadan.
Illaa hada lama oga ujeedada safarkooda, wax war ahna warbaahinta
may siin hase ye eshee wararka aanu ka helayno safarkooda ayaa lala
xidhiidhinayaa baadhista ka taag an Qaraxii Jabuuti ka dhacay oo
Hargeysa looga qab qabtay dad loogu tuhunsan yahay inay gacan ka
siiyeen labadii qof ee Is-qarxiyey.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya Dacwadda Saddexdii qof ee ay
Somaliland u dhiibtay Dalka Jabuuti iyo saraakiil Sirdoon Reer
Galbeeda ahaa in khilaaf weyni ka taagan yah ay, kaasoo ah in la isku
haysto kiiskooda.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Somaliland lagu canaantay
inay ku xad gudub tay Xeerar caalami ah oo sheegaya in dadka loo
qabto Tuhumo caykaas oo kale ah ay ahayd in Somaliland lagu
maxkamadeeyo, sida ay ku doodeen Eheladii ay ka dhasheen saddexda
Qof ee la dhiibay.
Dhinaca kale, wararka la xidhiidha Safarka masuuliyiintan Amniga ee
mar kali ah Jabuuti looga yeedhay ayaa u muuqda mid culus oo la
filayo in Maxkamaddaynta saddexda Qof iyo dadka kale ee Kiiskan loo
hayo ay kaga qayb galayaan halkii ay ka ahayd in Hargey sa lagu
qaado.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inay saraakiil ka socotay Dalka
Ingiriisku dhawaan hargeysa u yimaadeen dhacdada Sadexda qof ee loo
gudbiyey Jabuuti, kuwaas oo lagu soo waramayo Hay’adaha Garsoorku
inaanay waxba kala socon dhiibistooda, taasina ay waji gabax ku
noqotay Xukuumadda kadib markii ay su’aalo ka weydiiyeen qaabka
loogu dhiibay Jabuuti, maadaama aan Dacwadba Somaliland looga furin.
Saddexda Qof ayey Somaliland ku dhiibtay Qarsoodi, illaa hadana
codsiyo loo jeediyey oo la xidhiidha inay faahfaahin ka bixiso wax
jawaab ah lagama hayo, waxaana isa soo taraya saamaynta uu kiiskani
ku yeeshay Somaliland, iyadoo xadkii Jabuuti la xidhay, halka
Ganacsato alaabo kala soo dagi jirtay Jabuuti na ay ku xayiran
yihiin.
Dawladda Jabuuti ayaa toddobaadkii hore u yeedhay Taliyaha Laanta
Socdaalka Somalil and Maxamed Yuusuf, Badhasaabka Gobolka Selal iyo
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Awdal, kuwaas oo kulamo kala duwan
la soo yeeshay Saraakiisha sirdoonka ee baadh aya Kiiska Qaraxii
Jabuuti.
Talaabooyinkan joogtada ah ee ay saraakiisha Somaliland ku tagayaan
dalka Jabuuti ay aa ah kuwo dadweynaha iyo Axsaabta Qaranka
Somaliland ba u arkaan inay yihiin kuwo ku haboonaa Somaliland inay
mawqif cad oo Dawlad nimo iska taagto isla markaana sida ay dalka
ugu maxkamadaysay dad badan oo loo qab qabtay kiisas Argagixiso ah
kuwa na u saarto hay’adaha Cadaaladda si loo abaal mariyo haddii ay
danbiilayaal noqdaan.
Source:Waaheen
|