Masuuliyiin Lagu Suntay Hogaanka Waxqabadka Mudo Shansano Ah
Oo Maanta La Abaal Mariyey Iyo Labada Wasiir Ee Madaxtooyada Iyo
Hawlaha Guud Oo Ka Mid Noqday

Hargeysa (TNN) :- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay
munaasibad si weyn loo soo agaasima y oo u jeedadu ahayd in ururka
sodra abaal marin ku sunto xubno masuuliyiin tira bada n oo loo
aqoonsad ay inay yihiin shaqsiyaad ka soo baxay shaqadii loo igmaday
iyo horumarinta danta guud
Munaasibada waxa ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha, Wasiirka
cusub ee Hawlaha Guud ,Wasiir ka Arimaha Dibada, Wasiirka Diinta Iyo
Awqaafta ,Wasiirka Caafimaadka, Afhayeenka madaxtooyada, Ag aasimayaal,
xildhibaano ,Wasiiro ku xigeeno iyo marti sharaf kale
Munaasibadu intii ay socotay waxa hadalo ka jeediyey Wasiirka
Caafimaadka Wasiirka Hawlaha Guud ,Wa siirka Diinta Iyo Awqaafta ,Wasiirka Arimaha Dibada, Maayarka Laascaanood, Marwada Madaxweynaha
Iyo Masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood xuseen in wax qabadka la
sameey ey uu hormuud ka yahay Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ah
mishiinka ka danbeeya dhaqaajinta iyo dhisida Horumarka Danta Guud ee Dalka
Xubnaha Safka Hore kaga jira Abaal Marintan ayaa waxay kala yihiin:
1- Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2- Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabsi
3- Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Xasan (Mareexaan)
4- Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire
5- Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye)
Sidoo kale waxa xusid mudan in Abaal Marintan Xafiiskiisa Lagu
Gudoonsiin Doono Madaxweynaha Janhuuriyada Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo
|