Mashruucii Donald Payne oo bilowday !!


 

(Hadalka ka soo yeedhay Xidh. Nac-Nac wuxuu hordhac u yahay,mashruucii dhowaan laga soo qaatay- Donald Payne,ee loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo Somaliland)


· Markaan tixraaco hadaladii hore ugu soo yeedhay Donald Payne iyo weliba shirarkii Somaliweyn ee uu hore isugu deyey in uu Somaliland ka qayb geliyo.

· Markaan tixraaco dulucda wuxuu ku saabsanaa shirkii ay ku kala boodeen Donald Payne iyo Somaliland.

· Markaan tixraaco maqaalo aan hore uga qoray Xidh.Donald Payne iyo Mucaaridkaba

· Markaan tixraaco Safarkii ay dhowaan ku tageen dalka Maraykanka qaar ka mid hogaanka sare Mucaaridka Somaliland.

· Markaan tixraaco farxadii-sawiradii iyo wada hadlkii qarsoonaa ee dhexmaray Mucaaridka iyo Donald.

· Markaan tixraaco shirar fara badan oo beryahanba ay Mucaaridka Somaliland ka wadeen wadanka dibadiisa iyo waxay ku saabsan yihiin.

· Markaan Tixraaco nuxurkii waraysigii Hadhwanaagnews .com la yeelatay Wakiilka Somaliland ee wadanka USA Sacad Ali Shire.

· Markaan tixraaco hadalo beryahaaba laysla dhex marayey.

· Markaan tixraaco Warsaxaafadeedka uu soo saaray Xidh.Nac-Nac maanta oo Taariikhdu tahay 13. Feb.2010.

· Markaan tixraaco casuumada uu Xildh. Nac-Nac u doonayo Donald Payne.ee uu Golaha Wakiilada ka codsanayo.



Markaan tixgeliyo dhamaan arimaha aan kor ku soo sheegay,iyo qaar kale oo aan filaayo in ay dhowaan soo ifbixi doonaanba ,waxaa ii muuqda dhowr arimood oo aad la yaab u leh,oo ay ka mid yihiin:-

1. Hadalka amase Warsaxaafadeedka Xildh. Nac-Nac waxaa loo fasiri karaa in uu bilow u yahay “MASHRUUC II AY DHOWAAN AY KU SOO HESHIIYEEN MUCAARIDKA IYO DONALD PAYNE”

2. Waxaa loo fasiri karaa in uu jiro MASHRUUC la doonayo in lagu furfuro Somaliland xilligan aynu joogno.

3. Waxaa loo fasiri karaa in uu jiro xidhiidh qarsoonaa balse hadda madaxa la soo kacaya kana dhexee Soomaaliya iyo Mucaaridka Somaliland.



Hadal iyo dhamaan wixii jiraaba way iska soo bixi ,shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ka digtoonaadaan arimaha beryahan ay maleegayaan qaar ka mid ah cadowga Somaliland.



Mahadsanidin


 

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com