Mashruucii Balaadhinta Biyaha Caasimada Hargeysa oo la bilaabayo

 


Wasiirka Macadanta oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Midowga Yurub iyo wakiilkooda Somaliland, ayaa....


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shac abka caasimada ugu bishaareeyey inay dhowaan biyo la-aanta jirta dhamaan doonto, dho waana mashruucii balaadhinta biyahu bilaabmayo oo dhaqaalahiisi yimid.


Wasiirka Macadanta oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Midowga Yurub iyo wakiilkooda Somaliland, ayaa yidhi, “Waxaanu maanta (shalay), halkan idin yeedhnay in aanu ummadda u sheegno halka ay marayso marshuucii balaadhinta Biyaha Hargeysa ee a y noogu deqeen Midawga Yurub. Runtii muddo dheer ayaanu sugaynay mashruucan oo ma rkii ugu horaysay ee Xukuumaddan cusubi ay timi oo ahayd 2010-ka ayaanu baadidoon si dii loo helilahaa mashruuc lagu kobciyo Biyaha Magaalada Hargeysa, markaa Illahay ayaa n agu guuleyay ee Midawga Yurubna naga aq-baleen waxayna lacagta ku dhawaqeen bishii Semteber ee 2011-ka ayaa lacagta la ansixiyay. Anaguna saddex biloodle Guddigan la sam eeyay waanu shiraynaa oo mashruucan fulintisii ayaanu hagaynaa oo wixii mushkilad ku ti maada ayaanu xalinaynaa”.


Wasiirka Macdanta ayaa sidoo kale shacabka Caasimada Hargeysa iyo Wajaale oo la wey diiyey xilliga uu bilaabmayo sheegay, “Markaa Dadweynaha reer Hargeysa waxaanu ugu b usharaynaynaa oo aynu og-nahay xaalada Biyaha ee taagan in mashrucii uu immika si fiic an inoogu bilaamay oo waxa la joogaa sidii beeb laynka loo dalbi lahaa. Waxaanu rajeenay naa inaanu Madaxweyna ugu yeedhno dhagax dhigiisa sannadkan aynu ku jir oo rasmi loo bilaamo bisha Semteper, immikana waxa socda hawlihii ka horeeyay ee nash-qadayntii iyo sidii wax loo dhigi lahaa. Sidoo kale mashruucii Wajaale, dhowaan ayuu bilaabmayaa, marka kani dhaqaaqo”.
 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland