Mashruuca Wasiir Waran Cadde ee Iftiin-gelinta Caasimadda Hargeysa oo Mad-madow Badan Dul-Hoganayo iyo Maayirka Caasimadda oo Diiday in uu Ka Soo Qeyb-galo Madal Xadhiga Lagaga Jaraayey




Hargeysa (TNN):-Mad-madow badan iyo sida oo kale fadeexado dul-hogganaya m ashruuca iftiin-gelinta caasimadda Hargeysa ee Solar Systemka, oo wasaaradda arrimaha gudahu m aalmahii ugu dambeeyey ka waday wadada marta xagga dambe ee cisbitaalka Ha rgeysa, isla mar ahaantaana uu wasiirka wasaaraddaasi uu maanta xadhiga ka jaray, ayaa ah kuw o si aada isu soo taraaya una soo ifbaxaaya tan iyo dhorkii maalmood ee ugu dambeeyey.

Mashruucan, ayaa markii ugu horeysay bilowgii wasiirka wasaaradda arrimaha gudahu, wa xaa uu qaab naas-nuujin ah uu u siiyey qandaraaskeeda Hay’adda DAI, iyada oo aan loo m ari n wax tartan ah oo madax-bannaan, waxaana hore uu mad-madow badan u hadheeyey qaabka iyo nidaamka hawleed ee loo maray bixinta qandaraaskaasi.

Intaas ka sakow, wararka hoose ee mareegta Ooweyne helayso, ayaa sheegaya in labaddii cisho ee ugu dambeeyey uu khilaaf aad u cakiran soo kala dhex-galay dawladda Hoose iyo sida oo kale wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ku waasi oo isku maandhaafay shee gashada magaca cidda fulisay mashruuca oo uu wasiir Waran Cadde u diiday in lagu xuso magacooda, balse Maamulka iyo Maayirka Dawladda Hoose-na, ay ku andacoodeen in ay xaq u leeyihiin in ay sheegtaan hirgalinta mashruucan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan, in Maayirka Caasimadda Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Soltelko iyo xildhibbaano ka tirsan golahaasiba, aanay saaka ka soo xaadirin goobtii xadhi ga lagaga jaraayey iyaga ku andacoonaayey in wasiir Waran Cadde uu faro-gelin qaawan ku hayo tan iyo maalintii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee arrimaha gudaha Somaliland.

Waxaana wasiir Waran Cadde xadhiga ka jaristiisii mashruucan kula kaliyeystay Maayir xig eenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne, kaasi oo la sheegay in uu hadda ku jiro isu soo dhaweynta khilaafka ba’an ee la xidhiidha xagga maamulka ee u dhaxeeya dawl adda Hoose iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Dhanka kale, waxa iyana fadeexado badan ay dul-hoganayaan birahii Solar Sytem-yaddii u u furistooda xadhiga ka jaray wasiir Waran Cadde, ku waasi oo tijaabaddii saaka lagu sama ynaayey ay badidooduba shaqeyb waayeen, waxaana ay ku soo beegmayaan xilli uu wasiir ka wasaaraddaasi si hubsiimo la’aan ah uu u siiyey hay’adda DAI oo aanay cidna ka tijaab in kana qiimeyn qaabka ay u hirgelinayso una marayso mashruucaas.

Ugu dambeyntii, arrintan ayaa fadeexad iyo sida oo kale dhabar jab weyn ku ah hawlaha q aran ee dalka, maadaama wasiirka wasaaraddaasi uu muddooyinkii dambe kaliya ku hawl anaa qurxinta xafiiska wasaaraddiisa iyo sida oo kale daryeelidda wada-da uu u soo maro xafiiskiisa marka uu u soo shaqo taggaayo.

Source:Salaanmedia