Maryan Mursal oo Si
Qiiroleh uga Warantay Socdaalkeda Hargeysa & Aragtideda
Qaddiyada Somaliland

"Hormuudkii
Nabadee
Umaddu ay kusoo Hirataay
Hillow baa Maanta I keenee
Reer Hargeysoow Soo Nabad Maaha."
Tixdaas gaaban waxa ku hadaaqaysay Fanaanadda
Maryan Mursal Ciise Bo otaan oo ay wajigeeda ka muuqatay
Qiiro Wadaninimo iyo Shucuur ka turj umaysa Dhulkeeda ay u soo
Boholyowday.
Maryan Mursal oo Diyaaraddii ay saarnayd soo Cago dhigatay Gegida
diyaaradaha Hargeysa abaarro 10:00 Barqanimo saacada Geeska Afrika,
iyada oo ku Labisan Dhar ay ku xardhan yihiin Astaanta qaranka kuna
jeeni qaaran Calanka Somaliland.
"Maryaneey soo daadegoo
Billad Dahaba Hoo
Billad Dahaba Hoo."
Ereyadaas oo kamid ah Suugaan Cusub oo ay Kooxaha Fanaaniintu ugu
tal o galeen soo dhawaynta Maryan ayaa
iyaguna kala hor tegey markii ay Di yaaradda kasoo degtay,
Suugaantaas oo Fanaaniintu ku Muujinayeen Jacaylka ay u
Qabaan iyo Hilowga ay u soo hilowday.
Maryan ayaa markay indhaha ka qaaday shacbiga sugaya soo dhawaynte
eda iyo sida loogu diyaargaroobay ay mar kale
indhaheedu qiiro la ilmeeye en iyada oo mid mid salaam kal
iyo laab ah qaabishay, weliba ku soo bood ay iskuna duubtay
markay aragtay Abwaano ay kamid yihiin Axmed
Salee baan Bide iyo Muuse Cali Faruur
oo kamid ahaa hal abuuradii ay badweynt a fanka ku wada jireen beri
samaadkii. iyadoo sheegtay inay aad ugu farax san tahay aragtidooda.
Maryan oo ay hareero socdaan boqolaal
ka mida dadweynihii soo dhaweey ay iyo Masuuliyiinta sarsare ee
xukuumadda ayaa u soo baqoolay dhinaca qolka Nasashada Garoonka
iyada oo halkaasna warbaahinta ugu warantay
Ugu Horeyn Maryan oo warfidiyeenadu wax ka waydiiyeen sida dareenkee
da iyo Jawiga lagu soo dhaweeyay ay u aragto, waxa ay tidhi "
Reer Somaliland waxaan
leeyahay wad isoo dhawayseen, waxaan ka baqa yba Markuu
Damiirkaygu kacay inaan
dhinto, Sonkor ( Xanuunka Macaanka)
baan leeyahay,."
Maryan Mursal waxa kale oo ay sheegtay
in Waxyaabaya ay kaga qayb qa adatay Xuskii 18
May ee London ay yihiin wax ay Somaliland gacmaheeda ku
qabsatay iyada oo aan cidna gacan siin "
Reer Somalilandoo laakiin waxan aan sheegayo waa wax aad gacantiina
ku samaysateen, Nina kama baryaysaan. Soomaaliweyna waxaan leeyahay
waa inaad maanta ila taageertaan Ololahay aan Somaliland ugu jiro,
Nabad ay Samaysteena waa inaad Kulligiin ila taageertaan."ayay
Maryan tidhi. Waxaanay intaa ku dartay ""Adduunyadda waxa ugu
qaalisan waa nabad, Nin kasta iyo meel kasta oo nabad samaysata
waxaanu ballan qaadaynaa in inta aanu tango aanu Schoolana ka dhisno,".
Socdaalka wakhtigan ee Maryan Mursal
ayaa la xidhiidha la qoddob, sida ay iyaduba ka dhawaajisay "Aad iyo
aad waxaan u jeclaa 2002-dii marka an Halkan (Hargeysa) imi, Dream-kaygu
(riyadaydu) waxay ahayd inaan Xaafadda Daami
ka sameeyo Iskuul la yidhaahdo HADRAWI SCHOOL,
Illaa iyo intii aan idinka Maqnaa Fikradahasi way igu jireen,
Ilaahayna waxaan ka baryayaa in tii firkadeeda iyo riyadeeda rumaysa
uu iga dhigo."ayay Fanaanadu tidhi, iyada oo qoddobka kalena ku
macnaysay ka Xoreynta go bolaysiga Fanaaniinta "Haddaanu Fanaaniinta
nahay Mid baanu ahaan jirn ay (Isku Duuban)
waayo Fanaaniintii waxa ay wakhtigan u kala jabeen Gob ol-gobol,
sidaas darted waxaa ii qorshaysan in aan Fanaaniinta isu keeno
meelkasta oo ay joogaan, si ay uga baxaan
Gobolaysiga.
Amerikaanku Hollywood buu leeyahay,
Hindiduna Bollywood bay leedahay, aniguna Fanaaniinta waxaan
u sameeyay Sollywood, waxaanan rabaa
inaan uga sameeyo Buur ku taalla Berbera
agteeda.".
Isku soo wada duuboo soo dhawaynta Maryan
Mursal ayaa u muuqatay m id ay ka midaysanaayeen dadkii goob
jooga ka ahaa, sida ay ka dhawaajiy een qaar kamid ah Fanaaniinta
waaweyn. Cabdinuur allaale oo kamid ahaa ayaa Maryan mursal ku
tilmaamay xubnaha fara ku tiriska ah ee kasii nool Hooyooyinkii
fanka, iyo bartilmaameedka ay ka tusaalan qaadan doonaan da’yarta
fanka ku soo hiranaysa.
Qarannews
|