TACSI MADAXWEYNE

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somalil and isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo ku geeriyooday Masjidka Barakaysan ee Xaramka.
waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxa abt ii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.


Waxaanu Suldaanka ku tilmaamay madaxweynuhu tiir ka baxay bahda dhaqanka, isagoo in badan ka dhexmuuqday xalinta arrimaha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee wada dega Somaliland, kana mid ahaa oday dhaqameedkii salka u dhigay qaranimada Somaliland.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 


Axmed Saleebaan Maxamed

(Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.