TACSI MADAXWEYNE
TACSI MADAXWEYNE: 10/09/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,
isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland,
waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka,
waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo
shacbiga Jamhu uriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u
naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ku
geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020, dalka
Imaaraadka Carab ta.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiirka baxay bahda
dhaqanka Somaliland, iyadoo sa nadkii 1968 lagu caleemo saaray
magaalada Berbera, markii uu geeriyooday aabihii Suldaan Xaaji Cali
Kooshin oo ay ka soo wareegtay muddo 52 sannadood ah oo uu hayey
masuuliyada suldanada guud, waxaana lagu xasuusan doonaa marxuumka
in aanu mudadaa lagu dhex arag arrimaha siyaasadda oo aanu ku milmin.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii
janno ka waraabiyo, madax da dhaqanka, waxgaradka, waxgaradka,
waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka
siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
|