TACSI MADAXWEYNE

 


22/07/2015

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eh eladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxar iistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015 ku geeriy ooday Hargeysa.

Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuum ku ka mid ahaa culimo awdiinka dalka in mudo ahna ka adimi jiray Masjid nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimada, isaga oo horena uga mid ahaa bahda fanka iyo suugaa nta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u ba ahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada nool aanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida wey n looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaaliu degto.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fard awsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga So maliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.