TACSI TIIRAANYO LEH


 





IN-NAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Aniga oo ah Cali Adan Cawaale waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qar aabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, anigoo ka tacsiyadaynaya geerida nax dinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GO OD ABEES) oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay tuulada lafa-ruug ee u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa.

Marxuumku wuxu ahaa oday qaali ah oo ka baxay bulshada Somaliland gaar ahaanna go bolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka gobolka, tusaale fiicana u ahaa waxgaradka gobolka togdheer iyo guud ahaan dalka.

Waxan marxuumka EEBBE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eh eladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

 


Cali Adan Cawaale
London UK