Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo aas Qaran loo sameeyey, Muqdishana  lagu aasay

 



Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde, iyadoo ay la so cdeen qaar ka mid ah qoyskiisa,...................+ Halkan ka Daawo sawiradan


Muqdisho (TNN):- Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Jarmalka ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.


Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde; iyadoo ay la socdeen qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaana salaadda Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qoorsheel, wasiirka amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin, abwaanno iyo dadweyne fara badan.

Aaska kaddib ayaa waxaa hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia isagoo u duceeyay marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, wuxuuna Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, Jannadiisana geeyo.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka bax ay fannaankeena qaaliga ah. Tubeec wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta hal-doorka ah wux u una caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumada.
 

 


Timacade News Desk
Muqdisho,Somaliya