MARXUUM MAXAMED CABDI ISKEERSE "GEESI, WADAN JECEL IYO XISBIYAHAN DHAB AH" ...MUSTASHAR AXMED CARWO

 



DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO KUNA SAABSAN GEERIDA MA XAMAD CABDI AADAN ISKEERSE

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka,,tafiirta, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum MAXAMED CABDI AADAN (ISKEERSE) ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland , gaar ahaan Xisbiga Kulmiye, gobalk a Maroodijeex iyo Saaxil ee uu ka soo jeeday.

MAXAMED CABDI AADAN (ISKEERSE) Waxuu ahaa diblomaasi muddo dheer ka soo shaqeey ey safaarado iyo wasaaradda debedda ee dalkii Soomaliya, waxuuna soo qabtay xil wasiir nimo isagoo ahaa wasiirka Ganacsiga ee AHU xukuumaddi Madaxweyne Cigaal. Xisbiga Kulmi ye waxuu ahaa mus dambeedka aan laga dabo hadal. Isagoo ahaa Xoghayahii Maaliyadda ee Xisbiga Kulmiye xiligii doorashada Madaxtooyada ee 2010, haddana waxuu ahaa xubin Golaha Dhexe iyo lama huraanka Ololahii Murashaxnimada Muuse Biixi.
Nin lagu xusuusto mabda' iyo hal adeeg aanu ka leexan ballan uu galo, iyo arrin uu meel kula dhigo. Waxa uu yidhaahdo waa lagu seexan jiray. Bulshaawi dadka uruuriya, kaftan aqoon yaqaan halka uu hadalka dhigaayo oon agtiisa cadho oolin, nin farxadda jecel iyo wanaaga, kana shaqeeya danta guud

.Aniga waxa uu ii ahaa saxiib iyo macalin aan ka barto in samirka iyo mabda aaminku ku jiro deganaanshaha nafta iyo farxadda guud, iyo in is rog rogu yahay sharaf dhac iyo deganaan sho la'aan.

Waxaan ku xusuustaa si gaar ah is xilqaadkiisii ololahii murashaxnimada Muuse Biixi oo uu ha been iyo maalinba nagala soo qayb geli jiray shirarka isaga oo ay ku rakibantay qalabka oxg iinka ee neefta siiya. Waxay ahayd aragti in badan oo cag jiid noogu iman jirtay dardar gelis ay.

Waxuu ahaa hormood lagaga daydo xisbinimadu waxay tahay. Waxuu ka mid ahaa inta yar ee dhab u aaminsan xisbinimadu inayna ahyn dan shakhsi ee ay tahay dan guud iyo mabda aad la wadaagto wadar, ee ayna ahyn nafci shakhsi iyo arrin danaysinimo ah. Waxuu u arka ayey guusha KULMIYE inay tahay hadafkiisa, isaga oon xil xukuumadeed qaban ayuu hadana difaaca xisbi iyo xukuumadba u darbanaa. Waxuu ahaa nin saaxiibnimo leh oon abaalka iloo bin,

Waxa uu dhintay ayaamo kheyr iyo tobankii dambi-dhaafka ee bisha Ramadaan, waxaan Illa ahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dham maan in waafajiyo samir iyo duco.Aaamiin..


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn