TACSI MADAXWEYNE

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsi yadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxu um Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciid ankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehela dii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu na xariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.
 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.