Marxuum- C/Risaaq Dubad: Tiir Weyn Oo Ka Baxay
Saxaafada Somaliland
 


 Cabdirisaaq Maxamed Dubad

 

Hargeysa (TNN) - ILaahay Ha u naxariistee waxa caawa ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee  mag aalada Hargeysa Marxuum- C/Risaaq Maxamed Dubad, oo ahaa Agaasimihii Waaxda Warfaafinta ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, kana mid ah suxufiyiinta waaweyn ee  d alka.

Alle ha u naxariistee waxa uu Marxuumku u geeriyooday xanuun kaga soo booday dhinaca  wadn aha oo uu u jiifay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Marxuum- C/Risaaq Maxamed Dubad waxa maalinta Barrie e Sabtida lagu aasi doonaa  magaala da Hargeysa,waxaana aaskiisa ka qeyb gali doona suxufiyiinta Somaliland, masuuliyiinta  Wasaar ada Warfaafinta iyo saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland.

Waxa marxuumka qoyskiisii dhambaalo tacsi ah oo kala duwan u diray masuuliyiin tirobadan oo uu ka mid yahay Agaasimaha sadexda Wargeys ee Maandeeq Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh iyo  masuuli yiinta Ha’yadaha saxaafada maxaliga ah waxaanay marxuum- C/Risaaq Maxamed Dubad Ilaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii,ehelkii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa masuuliyiinta Hayadaha warbaahintu ay maalinta barri ka warami doonaan taariikh  nolole edkii iyo shaqadii uu saxaafada ka hayay Marxuumku oo noqonaya tiir weyn oo ka baxay  bah  w eynta Saxaafada Somaliland oo dhan. Waxa marxuumku uu ka soo shaqeeyay Hayado  warbaahi need oo kala duwan labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxaana ka mid ahaa Wargeysyada Jamhuuriya, Haatuf, Idaacadii Madaxa banaanayd ee Radio Horyaal iyo shabakada wararka ee Somaliland.org, waxaanu marxuumku ahaa dadka hibadda eebe u siiyay mihnadda Saxaafada  wa xaanu ahaa mid ka mid ah faallo qoreyaasha ugu wanaagsan ee Saxaafada Somaliland.

Marxuumku waxa uu ahaa marjaca dhalinyarada Saxaafadu ay ka qaataan Tallooyinka, waxaanu ahaa nin dul qaad badan, deeqsi ah, edaab badan, dad la socod leh isla markaana jeclaa  horum arka Dalkan, waxaana lagu xasuustaa faallooyin can ahaa oo uu ka qoray siyaasad xumadii iyo musuqmaasuqii xukuumaddii Madaxweyne Rayaalihii xilka ka degay.

Sidoo kale, waxa dhambaal tacsi ah oo tiiraanyo leh u diraya Qoyska Marxuum- C/Risaaq  Maxa med Dubad, maamulka shabakada wararka ee Somaliland.org, Weriyeyaasha iyo qoreyaasha  sh abakadan ka hawl gala oo kala jooga dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Source:Somaliland.org