TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Silaanyo, wa xa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga
Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qa raabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay
Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiw eli Faarax Jaambiir oo ku
geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka
soo qa a tay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu
madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax
Jaambiir oo ka mid ah odayaa sha Saxaafada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu
naxariistii jan no ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii iyo Sha cbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir
iyo Imaan ha ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|