TACSI
GUDDOOMIYE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda
Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraan yo leh u dirayaan qoyska,
qaraabada, ehelada, bahda suugaanta, dhaqanka iyo guud ah aan
shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum
Abwaan Cabdis alaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) oo ku geeriyooday
magaalada Burco maanta oo taar iikhdu tahay 27/07/2017.
Marxuum Cabdisalaan Maxamed Caaradhuub waxa uu ahaa abwaan wayn,
macallin wax dhiga dugsiyada waxbarashada Somaliland iyo qoraa
dhaqan-yaqaan ku xeel-dheeraa arrimaha dhaqanka Soomaalidu leedahay,
waxaannu ku sifaysnaa nin wanaagsan oo m ar walba maankiisa ay ku
jirtay inuu wax ku kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan
qoyska, qaraabada, eh elada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu
ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuu m Maxamed Siciid Caabi oo isna
ku geeriyooday Hargeysa maanta oo ay taariikhdu taha y 27/07/2017.
Marxuum Maxamed Siciid Caabi waxa uu ahaa aqoonyahan waxtar badan oo
kala duwan ku soo darsaday dalka Somaliland iyo ummaddiisa heerarkii
kala duwanaa ee ay soo mareen.
Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey labada Marxuum aqoonyahanno ka
baxay ummadda reer Somaliland, waxxaannu Alle uga baryayaa inuu
jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo
shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.
|