MARXUUM SHEEKH AXMED NUUR ODOWAA OO
HARGEYSA KU GEERIYOODAY



Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Mohamed Ali Muse ,ka marwadayda & ka caruurtaydaba,wa xaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa, qoyskii,caruurtii ,ehelkii, qaraabadii,xigaalkii,gacalkii,asxaabtii, guud ahaan shacabka Gobolka Gabiley  iyo dhammaan umadda reer Somalilandba,geerida naxdinta iyo tiiraanyada leh ee ku timid,marxuum Sheekh Axmed Nuur Odowaa,oo maanta,Jimce,11 Septem ber,2015,ku geeriyooday caasimada Somaliland ee Hargeysa

Sheekh Axmed Nuur Odowaa,wuxuu ka mid ahaa ahaa  Halyeeyadii dhidibada u taagay Jamhuuriy ada Somaliland,kana soo qayb qaatay halgankii dib u xoreynta, nabadayntii,hub ka dhigistii, walaa layntii,colaad damintii, waxaanu magac & miisaanba ku lahaa dhammaan gayiga Somalidu degto.

Marxuum Sheekh Axmed Nuur Odowaa,wuxuu ahaa shaqsi cibaado badan,wanaaga jecel & isu soo dhaweynta bulshada ,waxaana geerida marxuumka laga dareemay guud ahaan Jamhuuriyada So maliland,gaar ahaana Gobolka Gabiley , oo uu u ahaa Damal la hadhsado.


Waxaan
tacsi gaar ah u diraynaa inankiisii,Khabiirkii Caalamiga ahaa,Dhaqaal yahan,Dr. Professor Cisman Sheekh Axmed Nuur Odowaa,oo aanu leenahay Ilaahay samir iyo imaan ha kaa siiyo aaba ha,isagana Rabbi naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyo, danbi dhaafna ha u fidiyo, iilka ha u nuuro , neecaw udgooniyo , ha ku siiyo naruuro, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin

 

 

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhii Raajicuum

 

 

 


MARXUUM SHEEKH AXMED NUUR ODOWAA OO
HARGEYSA KU GEERIYOODAY


 

Anigoo ku hadlaya magaca qoyska Reer Ibraahim Maygaag Samatar waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii,caruurtii,ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Sheekh Axmed Nuur Odowaa khaasatan Professor Cismaan Sheekh Axmed Nuur,oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Waxaan Rabbi uga baryeynaa inuu jannada Fardawsa ka waraabiyo,dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo, Aamiin.
 

 

Raage Ibraahim Maygaag

 

 



TACSI MADAXWEYNE

 

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u di rayaa, Dr. Cusmaan Sheekh Axmed Nuur, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Aabihii M arxuum Sheekh Axmed Nuur Odawaa oo maanta 11/09/2015 ku geeriyooday Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii Asxa abtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay oday taaariikh facweyn ku leh shacbiga iyo qarankaba kana soo shaqeeyey halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray isla markaana kaalin muuqata ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka wara abiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


 

 



MARXUUM SHEEKH AXMED NUUR ODOWAA OO
HARGEYSA KU GEERIYOODAY



Dhamaantayo waxaan tacsi tiiraanyo leh  u dirayaa qoyskii,caruurtii,ehalkii iyo qaraabadii uu ka b axay marxuum Sheekh Axmed Nuur Odowaa,oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.Waxaan Rab bi uga beryeynaa inuu janno Fardawsa ka waraabiyo,dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga sii yo,aamiin.


-Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman ,xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Jibriil Cali Caqli,xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Maxamed Aden Muumin,xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Maxamed Macallin cumar,xaaskiisa & caruurtiisa
-Maxamed Ciise Nijaar,xaasakiisa & caruurtiisa
-Eng.  Aden Aw-Yusuf Caalin, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Professor Suleiman Xasan Caalin,xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Cabdiraxmaan Aw Ibrahim Buuh,-Amran Axmed Xuseen Kooshin iyo caruurtooda
-Dr. Maxamed Xasan Caalin,xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Mako Caalin iyo caruurteeda

- Xasan Maxamuud , Amina Aw Jaamc Muumin iyo caruurtooda
- Cali Muse , xaaskiisa & caruurtiisa
- Cadar Aden Diriye
- Fosiya Jaamac Tukaale
- Amina Cabdi Cisman
- Axmed-Naasir Cali Muse
- Cabdi-Risaaq Cali Muse (Shiine), Xaaskiisa iyo caruurtiisa
- Siraad Muse & caruurteeda
- Ibrahim Muse ,xaaskiisa & caruurtiisa
- Maxamuud Muse ,xaaskiisa & caruurtiisa
- Xasan Muse , xaaskiisa & caruurtiisa
- Daauud Muse ,xaaskiisa & caruurtiisa
- Caasha Muse (Caasha-Baar) & caruurteeda
- Maxamuud Muse (Sanyare),xaaskiisa & caruurtiisa
- Cabdi Muse ,xaaskiisa & caruurtiisa
- Mako Caalin iyo caruurteeda
- Saado cabdi Kooshin,Cabdi Mawliid & caruurtooda
- Hodan Cabdi cali & Caruurteeda
-Eng.  Maxamed Cali Muse,xaaskiisa iyo caruurtiisa