TACSI Tiiraanyo Leh

 


 


Inaalilaahi wa inaailayhi raajicuun Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishay geedkaa ha ba’o.

Geeridu waa xaq qof walibana maalin ayuu dhadhaminayaaye waxa maanta oo bishu tahay 26.01.2014 ku geeriyooday ciyaartoygii weynaa ee gobolka togdheer caanka ka ahaa sanadadii 70nadii iyo 80naadkii. Alla naxariistii jano ha ka waraabiyo’e Marxuum-Cabdirashiid Maxamed Sugule, ilaahay waxaanu uga baryeynaa inuu janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aniga oo ah Cabdi Jaaquur geerida marxuumkaasi aniga si gaara ayey ii taabatay, waay o? waxaanu soo wadaqaadanay marxuumka mudo ka badan 40 sanadood, waxaanu no qonay saaxiibadii ugu horeeyey ee caruurnimo ilaa iyo maanta oo xaqii ku soo degay.
waxaan tacsidan si gaara u gaadhsiinayaa qoyska reer Maxamed Sugule(reer Suguwe).
waxaan marlabaad ilaahay uga baryeyaaa inuu godka u nuuriyo cadaabul qabrigana u fududeeyo janatul fardosa ka waraabiyo.


waxa tacsida diraya qaar ka mid ah ciyaartoygii hore ee gobolka Togdheer:

1.Cabdi jaaquur iyo qoyskiisa
2.Ibraahim Daahir (Caateeye) iyo qoyskiisa
3.Mowliid Maxamud Karaani iyo qoyskiisa
4.Jamac Jilbadhige iyo qoyskiisa
5.Jamaal Huuhaa
6.Cabdi Cago iyo qoyskiisa
7.Maxamed Aaden(Qaloocow) iyo qoyskiisa
8.Seynab Jamac Xaashi iyo oyskeeda
9.Koos Iimaan Xareed iyo qoyskeeda
10.Seynab Cali Xabeeb iyo qoyskeeda

abdijaaquur@yahoo.co.uk