RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Mohamed Ali Muse,waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa q oyskii,caruurtii, ehelkii,qaraabadii,xigaalkii,gacalkii,asxaabtii, bahda saxaafad ,dhammaan umad a afka Somaliga ku hadasha ,geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen, Ruug cadaagii Saxaa fad,Weriihii caanka ahaa, marxuum Axmed Xasan Cawke ,oo maanta,Salaasa,17 November, 20 15,ku geeriyooday magaalada Jig jiga ee dalka Itooniya,isla maantana lagu aasay degmadii uu ku dhashay ee Tog-wajaale.

Waxaanu Allaha awooda leh uga baryayaa, inuu  marxuumka, Axmed Xasan Cawke, naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo , ku sii yo naruuro, dhammaanteena  samir iyo iimaan innaga siiyo, aamiin aamiin aamiin.

 

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Adan Shiine,Mayorkii hore ee magaalada Tog-wajaale,waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii,  qaraabadii , bahda saxaafada iyo dhamaan umad a afka Somaliga ku hadasha,gerida naxdinta leh ee ku timid  Suxufigii weynaa ,weriyihii caanka a haa,ee marxum Axmed Xasan Cawke,oo maanta lagu aasay magaalada Tog-wajaale,oo ah d egmadii uu ku dhashay.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu marxuumka, janno fardawsa ka waraabiyo, dhammaantee na samir iyo iimaan innaga siiyo,aamiin.



 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 



Baroordiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar iyo xaaskiisa oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku, w axay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan reer Xasan sheekh Suufi - gaar ahaanna Canab Xasan Cawke iyo carruurteeda, ubadkii iyo ooradii Axmed Xasan Cawke. Iyaga oo ka tacsiye ynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, wariyihii weynaa ee Axmed Xasan sheekh Suufi (Cawke) oo maanta ku geeriyoodey; magaalada Jigjiga ee kililka shanaad ee Itoobiya.


Ilaahayna waxan uga baryaynaa inuu Axmed geeyo jannadiisa Firdowsa. Dhammaan ehelada, asxaabta, iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan siiyo.



Allahayoow Aamiin

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 


Dhamaan Gudiga fulinta ee Xisbiga Waddani laa'anta Sheffield waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii asxaabtii bahda warbaahinta iyo Dhamaan qaranka jamhuuriyada somaliland . Geeridii ku timid weriye Axmed Xasan cake oo saaka 17/11/15 ku geeriyooday magaalada jig jiga ilahay waxaanu uga baryayaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo Dhamaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo aamiin aamiin.


Afhayeenka xisbiga Waddani laa'anta Sheffield . Mataan M Omar



 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 

Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland Kudhaqan Magalada LEEDS UK oo ku hadlaaya mag aciisa, hoggaanka jaaliyada , Gudiga fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo dham maanba Jaaliyada rer LEEDS ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa,

Waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan
Bahda SaxaaFadda Dalka,Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland
wax-garadka,Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum WARIYAHA RUUGCADAAGA AH oo ka mid ahaa Kami ahaa Rukumada Saxaafada Soomaaliyee iyo Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Magalada Jigjiiga maanta 1711.2015.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale Tacsi taasi la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga Somaliyed isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

Guddoomiyaha waxa uu marxuumka ku tilmaamay ruug cadaa Kami ahaa Rukumada Saxaafada So dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

Guddoomiyaha waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka. AMIIN AMIIN AMIIN INSHAALLAH.



Guddoomiyaha :- LEEDS SOMALILAND COMMUNITY CENTER UK
A. H (WARMAHAYE)
07944334512
 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 



INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN


Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga soo dirayaa dhamaan reer XASAN CAWKE iyo qaraaba doodaba, anoo ka tacsiyadeynaya geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariistee wariy eheenii caanka ahaa
AXMED XASAN CAWKE. Eebbena waxaan uga baryayaa inuu naxariistiisa jano uu ka waraabiyo. AAMIIN



Khadar Guun Jaamac,Canada


Afhayeenka xusbiga UCID ee W/AMERICA
 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 

Inaa lilaahi wa inaa ileeho raajicuun.


Anigoo ku hadlay magacayga iyo magaca dhalin ta reer somaliland ee ku dhaqan
Dalka Saudi Arabia,waxaan halkan uuga diraya taasi murugoo badan ehel ka iyo qaraabada iyo dhamaan Reer somaliland geerida naxdin ta leh ee ku timi Marxuum Ahmed Hassan Awke.
Ilaahay waxaan uuga baryayaa naxariis iyo dambe dhaaf.
Inagana samir iyo imaan inaga siiyo,iyo cawad khayr qaba.


Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun.


Abdulkhaliq Mohamed
 

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 


Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (
Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Tacsi u diray ehelka, qaraab ada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u Naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Hal-doorka Saxaafadda Soomaalida oo Saaka Subaxdii ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu safar shaqo ku joogay isla-markaana lagu aasay Magaalada Tog-Wajaale.

Sheekh Aadan-Siiro oo Safar ku jooga dalka Hindiya oo la soo xidhiidhay Warbaahintu, waxa uu Marxuum
Axmed Xasan Cawke ku sifeeyay qof shaqo badan u soo qabtay Ummadda Soo maaliyeed muddadii dheerayd ee uu ka shaqeynayey Mihnadda Saxaafadda isla-markaana sidii hufnayd ee uu uga soo shaqeeyay Hay’adaha Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah uu kasbaday Magac iyo Sharaf.


Sheekhu wuxuu Marxuumka ILLAAHAY uga baryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehel ka, Carruurta, Qaraabada, Saxaafadda iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iy o iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Tacsi taas la mid ah u diray ehelkii iyo Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland iyo Jabuuti ee uu ka baxay
Marxuum Ganacsade Ibraahim-dheere oo tod dobaadkii hore lagu aasay dalka Jabuuti.

Sheekhu waxa kale oo uu Tacsi u diray
Marxuum Axmed Ibraahim Saacadaale (Axmed-saaco) oo isagana Maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Sheekhu wuxuu Marxuumka ILLAAHAY uga baryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehe lka, Carruurta, Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo…Aamiin..Aamiin
 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 

 


TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane,
Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasy ada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Sax aafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timidMarxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha A fka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Ba hda Saxaafada meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgar adka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
 

 

 


 

RUUG CADAAGII SAXAAFADA, WERIYIHII CAANKA AHAA EE AXMED XASAN CAWKE ,OO GEERIYOODAY

 

 


Gudoomiyaha
Xisbiga Waddani Oo Soo Saaray Qoraal Uu Ku Tacsidaynaayo Bahda Warbaahin ta Geerida Axmed Xasan Cawke Awgeed


hoggaanka xisbiga WADDANI, guddida fulinta, golaha dhexe, garabadda haweenkaiyo dhalliny arada iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI,waxaauu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba guud ahaan shacbi weynaha Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, As xaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida naxdinta lah ayd ee ku timidMarxuum
Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Af ka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa wariye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka w araabiyo,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda Saxaafada,shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI


Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale